“Xasan Sheekh Waxa Uu Ka Mid Yahay Dad Nacaybku Ku Fogaaday Oo Qirtay Inay Somaliland La Dagaalamaan”Wasiir Cukuse. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xasan Sheekh Waxa Uu Ka Mid Yahay Dad Nacaybku Ku Fogaaday Oo Qirtay Inay Somaliland La Dagaalamaan”Wasiir Cukuse.
September 25, 2014 - Written by Wariye:

cukuseHargeysa(Wajaale News):-Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukumadda Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa Madaxweynaha Somalia ku eedeeyay inuu Dagaal kula jiro Somaliland. Wasiir Cukuse oo markii u horaysay ka jawaabay hadal dhawr cisho ka hor uu sheegay Xasan Sheekh ayaa sheegay inaanu warba u ahayn arimaha Somaliland.

“Adeer Aff-kiisa ayuun buu ka Sheegay dee ee Ninka Muqdisho fadhiya Hargeysa inay Gobol tahay iyo Inay Qaran tahay midna waxba laga waydiin maayo. Hargeysa waa Caasimada Jamhuuriyada Somaliland, Somaliand na waxay ka kooban tahay 13 Gobol, isna waxa uu ka hadlayaa wax kale oo malaha Barigii Siyaad Barre ayaa ugu dambeysay” ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Wasiir Cukuse, waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha Somalia ka mid yahay dad qirtay La dagaalanka Somaliland oo Nacayb ku fogaaday “Waxaanu ka mid yahay uun kuwa Nacaybku ku fogaaday  ee Qirtay inay iyagu Somaliland la dagaalamayaan, kuwaas buu ka mid yahay” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Xisbiga Waddani, ayaa hore uga jawaabay Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud oo uu nuxurkiisu ahaa inaanay marna kala go’ayn 18-kii Gobo lee Somalia ka koobnaan jirtay iyo inaanay Gobolada Sool iyo Sanaag ka tirsanayn Somaliland.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS