|
|||||
WAJAALE NEWS
Xarakada Al-Shabaab oo Caddaysay Geerida Hogaamiyahoodii Axmed Godane ,
September 5, 2014 - Written by Editor:Baraawe(Wajaalenews):- Xarakada Al-Shabaab, ayaa xaqiijisay geerida Hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane, oo magaciisa Jihaadku ahaa Mukhtaar Cabdiraxmaan Abu Subeer, kaasoo ay sidoo kale geeridiisa xaqiijisay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka oo caawa sheegtay inuu ku dhintay weerar ay ku bartilmaameedsadeen isaga iyo Saraakiil kale oo kooxda ka tirsan Isniintii inna dhaaftay. AXMED CABDI GODANE Waxay Kooxda Al-Shabaab sidaas ku sheegeen farriin qoraal ah oo ay soo dhigeen Bartooda Twitterka. Geerida hoggaamiyahooda ayay ku sheegeen in uu ku shahiiday weerer Cirka ah oo uu Maraykanku ku qaaday gobolka Shabeelada Hoose 1-dii September 2014-ka. Dhinaca kale, dhimashada hoggaamiyaha Al Shabaab waxa Jimcihii xaqiijisay xarunta Taliska Ciidammada Maraykanka Pentagon-ka oo ku cabbirtay in geerida Axmed Cabdi Godane ay horseedayso kala burbur ku yimaadda Ururka Al-Shabaab. Axmed Cabdi Aw-Maxamed, ayaa sannadihii ugu dambeeyay hoggaanka sare ee Al Shabaab ka saaray Saraakiil sarsare oo qaarkood ay isaga la aasaaseen iyo kuwo Ururka Al-Shabaab. Sidoo kale, waxa warku intaasi ku daray in Hoggaamiyaha Al-Shabaab ay la dhinteen Saraakiil sarsare oo ay isaga isugu dhawaayeen oo marka la wareeray la socday. Waxaanay sheegeen Al-Shabaab awood ahaan u wiiqmi doonin kooxdu, isla markaana ay ka aargudan doonaan Maraykanka iyo Cadawga Islaamka meelay joogaanba, oo ay jihaadka sii wadayaan. Hase-yeeshee, Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa iyaduna sheegtay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Argaggixisada ay Al-Shabaab ka midka tahay ee ay sii wadi doonaan hawlgalladooda Soomaaliya Related posts:“Awoodii Shir guddoonka Golaha Xisbi Gaara Ayaa Loogu Shaqaynayaa…” Xildhibaan Cabdillaahi Muuse Daawo : Wasiir Xirsi Iyo Xubno Wehelinayay Oo Dalka dib Ugu Soo Laabtay Kana Warbixiyay Safarkiisa.... Wasiirka Warfaafinta Jsl Iyo Nuxurka Fariin Usocoto Reer Sool Oo Uu ka Jeediyay Xuskii Sanad Guurada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|