|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxay Dawladda Soomaaliya Ku Andacoonaysaa Oo Qarammada Midoobayna U Gudbisay Inaan La Diiwaangelin Dadka Reer Somaliland” Wasiir Warancadde.
September 7, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(WJN)-Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Warancadde, ayaa sheegay in Somalia qaramada midoobay u gudbisay Dacwad ay ku dalbanayso in la joojiyo diwaan galinta Madaniga ah ee lagu diwaan galinayo Muwaadiniinta Somaliland. Waxa uu sheegay inay beesha caalamka iyo qaadhaan bixiyeyaasha u gudbiyeen in la joojiyo maalgalinta Diwaan galinta Madaniga ah. “Waxaan jeclahay in aan idin xasuusiyo Soomaaliya waxa ka socota diiwaangelin muwaaddin oo dadka la diiwaangelinayo, waxana lagu diiwaangelinayaa dadka reer Soomaaliya in ay qataan dhalashadii Soomaaliya. Waxay dawladda Soomaaliya ku andacoonaysaa oo Qarammada Midoobayna u gudbisay in aan la diiwaangelin dadka reer Somaliland, iyagoo qaata dhalashadii hore ee Soomaaliya mooyaane, waxaanay caalamka iyo suuqa geliyeen inaan la oggolaan oo aan caalamku maalgelin wax la yidhaa dhalasho Somalilander amma reer Somaliland ah” ayuu yidhi Cali Warancadde Wasiirku waxa uu sheegay in dad warkaasi gaadhay oo beesha caalamka ka socdaa kala hadleen sidii loo joojin lahaa Kaadhka dhalashada waxaanu yidhi “Way noo yimaaddeen dadka inta ka soo horjeeda goonni-isu-taaggeenna, waxaanay nagu yidhaahdeen arrintan joojiya waa ictiraaf. Waannu ka diidnay, cid aynu ka yeelaynaana ma jirto oo aannu u joojinayno ictiraafkeenna.” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxay ahmiyadda Kaadhka dhalashada “Diiwaangelinta madaniga ah macnaheedu waxa weeye in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo kala madaxbannaan, sababtoo ah hore waxaynnu u haysannay taysaradii Soomaaliya oo macnaheedu tahay in aynnu ku abtirsano dalka Soomaaliya. Maanta waxaynnu qaadanaynaa dhalashadeennii runta ahaa ee qarniyada badan soo jiray ee ah in dalkan Somaliland yahay, ummadda ku noolna tahay Somalilander. Kaadhka dhalashadu waxa uu muwaaddinka siinayaa xaq ka duwan ka ay leeyihiin dadka ajnebiga ah ee aan dalka u dhalan” WAJAALENEWS.NET COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|