Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Oo Gurmad Deg-Deg Ah Ka Galay Dooxyada Arabsiyo Iyo Agamsaha Oo Mudo 3 Cisho Ah Hakad Galiyay Isku Socodka; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Oo Gurmad Deg-Deg Ah Ka Galay Dooxyada Arabsiyo Iyo Agamsaha Oo Mudo 3 Cisho Ah Hakad Galiyay Isku Socodka;
September 5, 2014 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews);Dooxyada Magaalada Arasiyo Iyo Agamsaha Oo Mudo 3 Cisho Ah Hakad Galiyay Gawaadhida Waawayn Ee Xamuulka Ah Ee U Kala Goosha Gobolada Somaliland Ayaa Xanibnaantooda Awgeed Waxaa Safar Deg-Deg Ah Caawa Ku Soo Gaadhay Gobolka Gabiley Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim Oo Ku Guulastay In Uu Gabi Ahaanba Furo Labada Doox .

dr muuse 23BAABUURTA ARABSIYO

 

 

 

 

 

 

 

 

Waiirka Ganacsiga oo u weheliyo xoghayaha dawlaha hoose ee gabiley oo adeegsanaya gadiidka wax lagu baneyo ayaa waxay ilaa hada ku guulayteen in ay suurtasho isku socodka magaalooyinka hargeysa iyo gabiley oo maalmahan xanibnaa

Wasiirka oo aan khadka televonka kula xidhiidhay ayaa cawa noosheegay in ku guulaysteen banaynta labadan doox xanibnaa wax kale oo intaa ku daray in si degdega ugu hawlgali doonaan sidii wax looga qaban lahaa khatarta dooxyadan markasta oo roob da,o khasaare ay gaystaan

Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ayaa wasiir firfircoon kana qaybqaata baahiyaha bulshada oo u baahan in si degdega logu gurmado marka ay timaado xaalad deg geda

Dhanka Kale Gaadiidleyda Ganacsatada Ah Ee Ku Dul Xanibnaa Dooxa Magaalada Arabsiyo Ayaa Aad U Soo Dhaweeyay Hawlgalkaa Balaadhan Ee Uu Sameeyay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somalilad Dr Muuse Qaasim .

COMMENTS
LINKS