|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Kaluumaysiga Oo Xildhibaan Cali Barre Ku Eedeeyay Inaanu Warba U Hayn Degaankii Laga Soo Doortay
September 22, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews);-Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland Cali Faarax Buureed, ayaa si adag u dhaliilay Xildhibaan Cali Barre oo ka tirsan Golaha wakiilada. Waxa uu sheegay inaan Xildhibaan ku war ka hayn dhulkii laga soo doortay. Wasiir Cali Buureed oo ka jawaabaya Eedaymo ku aadan in Wasiirku caadaystay Cayda Madaxdhaqameedka degaamada Badhan ayaa sheegay inaan xildhibaanku warba ka hayn degaamada laga soo doortay islamarkaana aanu dib ugu noqon “Xildhibaanka waan arki jiray isagoo Wasiiro hore caayaya, Cali Barrow Xildhibaan baad tahay ee Xaaladda Xiin-galool haddii aanad la socon ma ha soo sheegina wixii khalad ah oo hala qariyo ayaad leedahay.ma dadka Been ha loo sheego baad leedahay marka Shirka Xiin-galool aad leedahay Dawladda Somaliland baa lagu taageerayay adigu sidaad u hadlaysid. Waxa weeye anagaa joognay Meesha shirku ka socday oo dawladdana Masuul uga ah, adigu maba tagtid oo Hargeysa ayaad 20 sano joogtay. Waxaanad ka mid tahay dadka Dawladda iyo degaanka kala haya, sababtoo ah halkan waxaanu ugu nimid markii aanu dawladda ka mid noqonay rag Masuuliyiin ah oo aan Ogolayn in dadkii degaanka iyo dawladda wax xidhiidh ahi ka dhexayn.25 sano ayaad halkan joogtay oo wax aad ka qabatay iyo meel aad tagtay midna ma jirto, shirkoodana ma tagtid hadii aad shirka tagto oo aad ka soo hadashana waxbaabay ahaan lahayd” ayuu yidhi Wasiirku. Wasiir Buureed waxa uu sheegay inaanu Xildhibaan Cali Barre ka sheegan Karin Xiin-galool iyo Badhan islamarkaana ay kuwada Dhasheen.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|