Wasiir Xirsi Oo Ka Hadlay Hadalka Madaxweyne Siilaanyo Ee Ah Inuu yahay Ra’isal Wasaare. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Xirsi Oo Ka Hadlay Hadalka Madaxweyne Siilaanyo Ee Ah Inuu yahay Ra’isal Wasaare.
September 11, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(WJN):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa iska fogeeyay hadal maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay oo ahaa in Madaxweyne siilaanyo sheegay in Xirsi yahay Wasiirka Wasiirada(Ra’isal Wasaare).waxa uu mucaaradka ku eedeeyay qabyaalad iyo inay yihiin kuwo siyaasadda ku saaqiday.

Qoraal uu Bartiisa Internet-ka ku baahiyey oo uu arintan ku faahfaahinayay ayaa u dhignaa sidan:-

“Anigu Raysal-Wasaare Ma ihi, Madaxweynuhuna Iima Magacaabin Sharcigana Kuma Jirto”,

Hadii Qoladii mucaaradka ahayd jahadii ka luntay oo ay waayeen wax ay dadka u sheegaan waxaan leeyahay siyaasad noqonmayso hebal baa caynkaa yidhi iyo hadalka madaxweynaha turjumada khaldan aad ka samaysaan.
Waxay ahayd madashii loo dhamaa ee lagu marti qaaday Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanu ahayn 4 xubnood oo wasiiro ah, waxaana dhinaca Madaxweynaha noogu xigay Cali.

Warancade hadalkana isagaa noogu horeeyey, markii uu madaxweynuhu qaatay hadalka wuxuu ku hadal qabsaday Warancade oo yidhi “Sidaa Wasiirku yidhi, kadibna raaciyey wasaradu isagoo uuga gol le in laba wasiir goobta ka hadleen
Balse ninka shaydaan qaato beentana sheegayaa xaqiiqada uma baahdo ee wuxuu yidhaahdaa wixii uu doono,
Waxaa muuqata in hadalkii inta laga dhex-saaray intii isku xidhaysay
in laga dhigay Been cad oo odhanaysa “Wasiirka Wasiirada” Bal waxaad eegtaa waxaa meesha Fadhiyey Afar Wasiir ee maxaa Xirsi Gaar u tilmaamay? Dee kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin iyo wax aan macno wayn lahayn.!!

Gabagabadii waxaan leeyahay Axsaabta Mucaaradka: Aynu ku tartano waxqabad dalkuna doorasho ayuu galayaa ee u soo diyaar garooba hana carqaladaynina.!

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS