|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Xirsi Oo Golaha Wakiilada U Sharaxay Xeer Nidaamiyaha Xukumadda.
September 2, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Mudanayaasha Wakiilada faahfaahin ka siiyay Xeerka Nidaamka Xukumadda oo Madaxweyne Siilaanyo dhawaan u gudbiyay Golaha wakiilada. Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in Xeerkani wax badan ka tarayo habsami u socodka Hawlaha maamulka Dawladda iyo kala xadaynta waajibaadka qaybaha xukumadda islamarkaana uu maamul wanaag u horseedi doono. Wasiir Xirsi oo ka hadlay sida uu Xeerkani u qaabanaynayo Haykalka Dawladnimo waxa uu yidhi “Hogaanka guud ee qaabaynta iyo jaangooynta siyaasada “ Policy and Dicision Makers”, Wasiirku waxa uu sidoo kale sharaxay U jeedada Xeerkan loo aasaasay waxaanu yidhi “Dadjinta sharci saldhig u ah aasaasidda hay’addaha xukuumadda dhexe ,Xaddidaada xilka, waajibaadka, awoodaha iyo shaqada hay’addaha xukuumada dhexe, Kala xadaynta hawlaha iyo xilalka laamaha xukuumaddda dhexe iyo isku xidhkooda ,In la gaadho tayayn dhamaystiran oo la xidhiidha guud ahaan waxbqadka xukuumada ,In la xaqiijiyo habsami u socodka adeegyada bulshada ,In si cad loo iftiimiyo, lana dhaqan geliyo, xadka u dhexeeya xilalka maamul iyo siyaasadeed ee haga, gaadhsiiyana adeegyadda aasaasiga ah qaybaheeda kala duwan ee bulshada” Wasiirka Madaxtooyada ayaa Golaha wakiilada ka codsaday in xeerkan la ansixiyo. Waxa uu sidoo kale u soo jeediyay golaha inay ansixiyaan Xeerarka diwaan galinta oo ahmiyad u leh qabsoomida doorashada.
Hargaysa Office Related posts:Cisbitaalka Qaaxada Hargeysa Oo Loo Faaruqiyey Dadka Uu Soo Rito Covid 19 Iyo Khataraha Caafimaad E... Gudoomiyaha Ururka Solja Oo Ka Hadlay Xadhiga Mulkiilaha Astaan Tv, Sheegayna In Aan la Ogayn Sobobt... Xaalada Tukaraq Labada Ciidan Ee S/land & Puntland Oo Isku Tuur Tuuray Hubka Noocyadiisa Kala Duwan. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|