Wasiir Xirsi Oo Degdeg Uga Jawaabay Hadal Uu Sheegay Masuul Xisbiga Waddani Ka Tirsan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Xirsi Oo Degdeg Uga Jawaabay Hadal Uu Sheegay Masuul Xisbiga Waddani Ka Tirsan.
September 15, 2014 - Written by Wariye:

wasiirHargeysa(Wajaale News):-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xalay ka jawaabay hadal isla xalay ka soo yeedhay Cabdirashiid Riyo Raac oo ka tirsan Xisbiga Waddani wakhti uu ka qayb qaadanayay Dood ka socotay TV.

Wasiir Xirsi ayaa Qoraal uu soo saaray ku yidhi “Waxay ahayd xalay kadib markii dood lagu falanqaynayo xeerka Diiwaan-gelinta Maddaniga ah ay marti galiyeen Telefishanka Madaxa banaan ee Horn-Cable TV

Falanqaayntaas ayaa waxaa ka qayb qaadanayey xubno ka socday Axsaabta mucaaradka iyo Xildhibaan Golaha Wakiilada ka socday oo metalayey xukuumada talada haysa

Hadaba waxaan la yaabay ama wax aanan filayn igu noqotay in Masuul sheeganaya magaca Xisbi Qaran “Waddani” oo la yidhaa Rashiid Riyo-raac uu si kas ah uu uuga been abuuray dood iyo falanqayn aanu aniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo gudoomiye-yaasha labada Xisbi Mucaarad ku kulanay isla markaana uu ku sheegay in aan ka garaabay in khaladaad ku jiraan Xeerka Diwaan-gelinta Maddaniga ah! Waa siduu hadalka u dhigee

Oo ma waxaan ka garaabi ama aan khalad ku sheegi in Muwaadiniinta dalka la diwaan geliyo oo aynu doorashada kahor kala garano yaa muwaadin ah oo u qalma in uu codeeyo iyo yaan ahayn oo aan mudnayn in uu go’aamiyo cida talada dalka qabanaysa?!

Waxaan dareemayaa in ay tahay su’aal ay ka jawaabi karaan cid walba oo dareenka dalnimo iyo damaca doorasho ku jirto!

Waxaan leeyahay; Masuulka looga fiican in uu war aan jirin saxaafada ka sheego isagoo uuga dan leh in Kambayn uu wato ku Majara habaabiyo bulshada, wuxuuse ilaaway in ay beentu lug kaliya leedahay isla markaana cimri yar tahay.”

Wa Bilaahi Tawfiiq

Hargaysa Office
Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS