Wasiir Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay Inay Dalka Soo Gaadheen Agabkii Diwaan galinta Madaniga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay Inay Dalka Soo Gaadheen Agabkii Diwaan galinta Madaniga.
September 1, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)– Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa shaaca ka qaaday inuu dalka soo gaadhay qalabkii lagu samaynayey diwaan gelinta madaniga ah ee muwaadinka.

Wasiirka arimaha gudaha somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta cusub ee wasaarada arimaha gudaha ayaa waxa uu sheegay inuu qalabkii diwaan gelintu soo gaadhay wasaarada arimaha gudaha isla markaana todobaadka soo socda goob kasta la gaadhsiin doono qalabkii lagu bilaabi lahaa diwaan gelinta muwaadiniinta somaliland.

Ugu horayn wasiirka arimaha gudaha oo ka hadlaya qalabkan diwaan gelinta ee soo gaadhay ayaa waxa uu yidhi “Waxa xaruntan cusub ee wasaarada arimaha gudaha lagu rogayaa qalabkii

diwaan gelinta muwaadinka oo sidii aanu hore u sheegnay dedaal badan iyo hawl loo galay ka dib soo dhamaatay, halkan ayaana lagu xidh xidhayaa waxaana todobaadka soo socda la gaynayaaa goobihii loogu tala galay diwaan gelinta muwaadinka ee guud ahaan wadanka oo dhan.”

Wasiirka arimaha gudaha oo ka hadlaya faa,iidada kaadhka lagu qaadanayo diwaan gelinta muwaadiniinta ayaa waxa uu yidhi “Diwaan gelintu kaadhka lagu qaadanayaa waxa uu cadaynayaa cida sidata wadanka ay u dhalatay, waxaynu hore uga mid ahayn somaliya hadana waxaynu la soo noqonay xoriyadeenii oo waxaynu la baxnay magaceenii somaliland, taysarooyinka waxa ku qormaya magaca somaliland taas oo macnaheedu tahay inaynu somaliya nahay laba dal oo kala gaara, faa,iidada kale ee uu kaadhkani leeyahay waa dhinaca nabad galyada imika wixii ka danbeeyana waxa dadka la waydiin doonaa kaadhka uu sito waxa uu yahay oo taas ciidamada nabad galyadu baadhi doonaan qofkii laga waayana uu noqon doono qof ajanabi ah waayo waxa lagu kala baxayaa waa kaadhkaas, wixii imika ka danbeeyana xawaaladaha, meelaha laga qaato lacagaha iyo baananka waxa lagu xidhayaa inaanu qof aan kaadhka aqoonsiga sidani aanu lacag ka qaadan doonin lacagna aanu dhigan doonin, waxa kale oo laysku waydiin doonaa Hudheelada, dhakhtarada iyo inaanu qofku shaqooyinka kale ee bulshadu ay xaqa ugu leedahay hay’addaha dawlada aanu helin Karin, qofkuna waa inuu somaliland noqda ama qof ajanabi ah noqdaa” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade

 

Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha somaliland waxa uu sheegay In diwaan gelinta muwaadiniinta somaliland ay caawinayso sidii ay dalka uga dhici lahaaayeen doorashooyin xor ah waxaanu yidhi “Si aynu u helno doorashooyin cadaalad ah oo qofku far kaliya dhiibto kaadh kaliyana helo oo aanu ku noq noqon ayey dawo ka tahay, waxa kale oo ay dawo ka tahay inaanu qof kasta oo iska yimaada goobaha codbixinta aanu codayn Karin, somalilanders-ka oo kaliya ayaana xaq u leh inay codeeyaan si xaqaas muwaadinka loo sugo ayaa loo sameeyey kaadhkan isla markaana si ay meesha uga baxdo ku noq noqoshadii iyo inuu qofku dhawr kaadh yeesho qofkuna uu yeesho hal cod taas ayuu damiin ka yahay, waxaanu sahlayaa marka la samaynayo diwaan gelinta codbixiyayaasha inuu qofku si sahlan u qaadan doono kaadhka codbixinta oo isagu hal mar shaqayn doona laakiin kaadhka diwaan gelintu waligii wuu shaqayn doonaa, marka ciidamadu ku joojiyaana waxa ugu horeeya ee lagu waydiinayaa kaadhka aqoonsiga sidaas darteed waxaan dadka ugu baaqayaa marka ay diwaan gelintani bilaabanto inay hore u yimaadaan goobaha diwaan gelinta.”

Ugu danbayntiina wasiirka arimaha guduhu waxa uu sheegay in diwaan gelintan muwaadiniinta ay goob joog ka ahaan doonaan xisbiyada mucaaridka ah, guddida doorashooyinka iyo ururada bulshada, waxaanu tilmaamay inay guddida doorashooyinkana kala shaqayn doonaan diwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo iyadana la bilaabi doono waxaanu yidhi “Waxaana dhawaan la bilaabi doonaa in la qaato kaadhkii codbixinta oo guddid doorashooyinku ay gacanta ku hayaan oo ay dhawaan bilaabi doonaan taasna aanu si wada jira uga wada shaqayn doona, diwaan gelinta madaniga ahna si ay u noqoto mid xalaal ah waxaanu ku casuumi doonaa xisbiyada mucaaridka ah, guddida doorashooyinka, ururada bulshada iyo hay’addaha kala duwan ee qaranka si goob joog looga wada ahaado oo cid waliba iyada oo miiska la wada fadhiyo ay ka dharagto sida qofka loo diwaan gelinayo, qalabka la isticmaalayaana waa qalab casri ah waxaana loogu tala galay inuu kala reebo qofka isku daya inuu mar labaad is diwaan geliyo, qalabkani waxa uu leeyahay sadex shay oo qofka lagu garanayo kuwaas oo kala ah indhaha, faraha oo qofka laga qaadayo iyo sawirka, sadexdaas qayboodba wuu qaadayaa mishiinkan la isticmaalayaa.” Ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS