Wariye Axmed Xasan Cawke Oo Beeniyey Warar sheegayay In Inan Uu Dhalay Ay Ku Biirtay Fanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wariye Axmed Xasan Cawke Oo Beeniyey Warar sheegayay In Inan Uu Dhalay Ay Ku Biirtay Fanka.
September 12, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews):-Qaar Ka Mid Ah Mareegaha Onlineka Ah Ee Ka Hawlgala Guddaha Somaliland Ayaa Dhawaan Baahiyey Warar Sheegaya In Gabadh Uu Dhalay Wariyaha Caanka Ee Axmed Xasan Cawke Ay Ku Biirtay Bahda Fanka Noqotayna Fanaanad.

Wariyaha Caanka Ah Axmed Xasan Cowke Oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews La Xidhiidhay Si Ay Wax Uga Weydiiso Warkaasi Ayaa U Sheegay Shabakadaasi In Uu Ixtiraam Badan U Hayo Guud Ahaanba Bahda Fanka Soomaaliyeed Islamarkaana, Uu Jecel Yahey Asal Ahaanba Fanka Haseyeeshee Aanay Waxba Ka Jrin In Gabadh Uu Dhaley Oo Lagu Sheegay In Ay Ku Sugan Tahey Wadanka Swden Ay Wakhtigan Noqotey Fanaanad,Waxa Uu Wariyaha Ruug Cadaaga Ah Ee Axmed Xasan Cowke Sheegay In Aaney Jirin Habayaraatee Gabadh Uu Dhaley Oo Ku Sugan Dalkaasi Sweden Gabadha Uu Dhaley Iyo Caruurtiisa Kalena Ay K Sugan Yihiin London,Waxaanu Carabka Ku Dhuftey In Caruurtiisu Intooda Badani Ay Ku Fiican Yihiin Diinta Oo Aanay Sidiisa Oo Kale Fanka Uba Jeclayn.

Gabagabadiina Waxa Uu Axmed Xasan Cowke Tilmaan Kooban Ka Bixiyay In Aaney Ceeb Aheyn Hadii Ay Wax Jira Sheegaan Dhalinyarada Wararka Been Abuurka Ah Ku Deg-Degayaa Laakiin Wax Aan Jirin Hadii Ay Sidan Oo Kale U Sheegaan Ay Noqoneyso Wax Iyaga Dib Ugu Noqonaya Oo Sumcad Dil Ku Ah Isagoo Si Kooban Uga Dardaarey Mustaqbalkooda In Ay Ka Ilaaliyaan Wixii Been Abuur Ah Rajo Fiican Iyo Hurumarna Uu U Rajeynayo Isagoo,Ku Gaabsadey In Aanu Habayaraatee,Garan Karin Sababta Looga Jeeday Warkaasi Been Abuurka Ah.

 

Xigasho Shabakada Hadhwanaagnews

COMMENTS
LINKS