Wafti kale ,Wasiiro ah iyo Taliyaha Booliska oo Hada Gabiley Gaadhay Bulshada Oo Diidmo Kala Hortimid iyo Rasaas Goos Goosa oo ka Dhacaysa Gudaha Magalada Gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti kale ,Wasiiro ah iyo Taliyaha Booliska oo Hada Gabiley Gaadhay Bulshada Oo Diidmo Kala Hortimid iyo Rasaas Goos Goosa oo ka Dhacaysa Gudaha Magalada Gabiley
September 22, 2014 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews);Magaalo madaxda gobolka gabiley oo maalmahanba ka taagnay xaalad qalafsan kuna waa jahan kacdoon ka dhashay dilkii saraakiisha ciidama e lagu dilay qorilugud ayaa wali ka taagan gabiley

Waxaa magaalada gabiley tada gadhay wasiiro taliyaha ciidanka boliska xildhibaano

xubnaha ayaa kala ah Wasiirka madaxtooyada xirsi, wasiirka arimaha gudaha ,warancade ,Taliyaha ciidanka booliska, xildhibaan ibraahim axmed haybe iyo xubna kale oo ka tirsan bulshada reer

Waxana hore ugu sugnaa gabiley wasiirka ganacsiga muuse qaasim wasiirka warshadaha abiib diiriye ,xildhibaan cabdilaahi black oo iyagu ku guul daraystay in ay xal ka gaadhaan tabashada reer gabiley’

Ujeedada waftigan culus ayaa daaran xaalada magaalada gabiley o wali cakiran xubno wasiiro hore u joogay oo ku guul daraystay daminta bulshada reer gabiley ,waftigan danbe ayaa iyaguna isku dayaya in ay xaliyaan tabashada reer gabiley,

Waxa kale oo maanta gabiley ka dhacay dil toogasho oo ay fuliyeen ciidama gabiley u jooga ilaalinta abniga iyagoo intii ciidamada dheeraadka ah gabiley la geeyay ay gaysteen dilal fara badan oo ay kula kaceen shacbiga diidan xukuumada siilaanyo sida ay wax umaamulayso,

Hadaba waftigan ayaan wali shaacin u jeedadooda rasmiga ah waxaana lasugayaa hadba waxa kasoo baxa

Dhinaca kale waxaa rasaas googoosihi ka dhacay agagaar saldhiga ilaa guriga martida taasi oo ciidamadu ku kala eryayaan dadka cadhaysan joogi tanka wasiiradan ka socda xukuumada una arkaan kuwa u socdan kala jajabinta reer gabiley iyagoo raba in ay dusha ka saaraan khaarihii ka dhashay mudaharaadkii halka reer gabileyna iyagu ay wax tabanayaan,

WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO WAJAALENEWS

COMMENTS
LINKS