Waa Kuma Dr. Maxamed Cismaan Fadal? ”Halyey Aqoontiisa u Huray Ummadiisa” By Dr. Abdiwahab Cabdillahi Iidaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Kuma Dr. Maxamed Cismaan Fadal? ”Halyey Aqoontiisa u Huray Ummadiisa” By Dr. Abdiwahab Cabdillahi Iidaan
September 8, 2014 - Written by Editor:

Run ahaantii, aniga oo naftayda u han-weyn, haddana waxa aan shaki ka qabaa in aan soo gudbin karo jawaabta su’aasha maqaalkan, sababta oo ah, ma aha Dr. Fadal mid taariikhdiisa, aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa, dhaqankiisa iyo waxqabadkiisa lagu soo koobi karo maqaal dhawr bog ah. Hase ahaatee, waxa aan ku rajo weynahay in dadkayga reer Somaliland iyo inta afsoomaaliga ku hadashadaba daaha uga faydo qaybo kamid ah taariikhda Dr. Fadal. Waxa kale oo xaqiiqo ah, in Dr. Fadal aan uu aniga Dr. C/Wahab ahaan aqoon ii lahayn dadkana iga aqoonin hadda laakiinse aan u hibaynayo qormadan kooban. (waa laga yaabaa in uu xusuustiisa iga helo, marka uu arko sida aan noloshiisa ula socday, surprise ha u ahaato).

HORDHAC

Aan ku horeeyee, waxa isweydiin leh, sababta igu kaliftay qoraalkan kooban in aan ka qoro Dr. Maxamed. Jawaabtuse waa laba qodob, midda koowaad waxa weeye Somaliland oo bulshadeeda tirada ugu badani tahay dhallinyaro laguna qiyaaso ilaa 75%, weliba dadka maanta Somaliland ugu firfircoon ee ama wariye ha noqdaan ama waxbarasho haka shaqeeyaane waa dhalinyaro. Sidaas darteed, waxa aan dareemay waajib iga saaran in aan tirada dhallinyarada badan ee reer Somaliland gaadhsiiyo taariikhda mid kamid ah aqoonyahan kamid ah kuwa ugu mudan ee taariikhda ku leh Somaliland horumarkeeda. Sababta labaadna waxa weeye in aan buriyo dhaqan xun oo aan leenahay haddaan reer Somaliland nahay, dhaqankaas oo ah in aynaan ilaashanin oo aqoonsanin haldoorkeenna, waxaana ka markhaati ah maansadii Gaarriye tiriyey isaga oo tusaalaynaya in dadkeennu qofka marka aakhiraysto la wada ammaanayo, hase ahaatee adduunka inta uu joogo

“Ha laguu ilmeeyee,

Horto dhimo af maahee,

Eeggoo la noolyiyo,

Ifkaan kaaga baahnahay,

Wax yar oo aqoonsiya,

Oon aad u buurnayn,

Oo weliba eegeey,

Igu sii amaahoo,

Ictiraafka buuxee,

Aakhiro markaan tago,

Iilka igu sugaayiyo,

Ayaantaan xabaal galo,

Oohintaan mutaystiyo,

Akowntkayga laga jaro,”

Waxa kale dhaqankaa xun ee aan leenahay isna cabiray abwaan Cali Sugulle waxaana kamid maanso uu ka tiriyey geeridii Xaaji Muuse Galaal tuducyadan:

Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha e’,

Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

Ujeedaduna waxay tahay, bal in aan wax ka bedelno dhaqankaas oo marka ay ugu yar tahay qofka innaga midka ah ee waxtarka leh inta uu yahay kaliyaata u ogolaano, bal waxtar kale ha joogee.

TAARIIKH KOOBAN

Dr. Maxamed Cismaan Fadal, waxa uu ku dhashay magaalada Burco waxbarashadiisii hoose waxa uu ku qaatay gobolka Togdheer isaga oo dugsiga sare kaga baxay dalka Sheikh Secondary School. Intaas kedib, waxa uu galay jaamacaddii Lafooge oo uu ka qaatay degree-ga koowaad kedibna waxa uu waxa uu dalka Jarmalka ka helay deeq-waxbarasho isaga oo halkaasna kasoo qaatay darajada ugu saraysa ee PhD kuna takhasusay Siyaasadda Dhaqaalaha (Political Economy). Waxa halkan xusid mudan in Dr. Fadal ka dhex muuqday marxalad kasta oo taariikhdiisa kamid ah. Tusaale ahaan, waxa uu kamid ahaa Guddigii Iskuulka Sheekh (School Executive Committee) oo ahayd guddi tartan iyo karti badan lagu guulaysan jiray kamid noqoshadeeda. Jaamacadda Lafoole markii uu dhiganayeyna waxa uu kamid ahaa guddigii maamulka waxaana uu masuul ka noqday maktabaddii akhriska iyo aqoonta oo uu jeclaa awgeed.

WAX-QABAD

Waxbarashadii Jarmalka kedib waxa Dr. Fadal kusoo noqday wadanka waxaana uu bilaabay in uu macallin ka noqdo Machadkii SIDAM kana dhigo Digreega Master (MBA), isaga oo ahaa professorka kaliya ee Soomaali ah. Ardaydii uu macallinka u ahaa waxa ka mid ah aqoonyahan waaweyn oo dadka Soomaalida caan ka dhex ah waxaana kamid ah hadaan qaar kasoo qaato, Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir (Xildhibaan Golaha Wakiilada kamid ah, Xasan Embassy, Xassan Halas iyo Cabdiraxman Cirro (guddoomiyaha G. Wakiilada). Intaas kedib, waxa uu Maxamed kamid ahaa dadkii wadanka dibedda uga baxay waxaana uu degay dalka Canada hase ahaatee, waxa uu kamid noqday halyeeyadii wadanka kusoo guryo noqday isla bilawgii sagaashameeyadii waxaana uu wadanka yimid dhammaadkii 1992 isaga oo ka qayb-galay shirarkii dib-u-heshiisiinta iyo qaran-dhisidda ee taariikhdaas ka dambeeyey, sida shirkii Boorame iyo kuwii daba socday ee nabadaynta iyo dawlad-dhisidda. Waxa uu Dr. Maxamed kamid ahaa aqoonyahankii faro-ku-tiriska ahaa ee damiirkoodu siin waayey in ay ka adkaystaan nabadaynta iyo dib-u-dhiska wadanka ka socotay isla markaana go’aansaday in ay dadkooda la qaybsadaan halganka dib-u-dhiska iyo nabadaynta. Run ahaantii qofka in uun wax qiimayn karaa waa uu garanakaraa ragannimada iyo geesinnimada ay u baahnayd in wakhtigaas qof nolol wanaagsan ku haystaa kusoo noqday wadanka oo colaad iyo burbur isugu darsamayn. Wakhtigaas, qof wadanka ka firdhada oo tahriiba mooyaane, qof kusoo noqdaa si uu wax ugu qabtaa waa ay yarayd, waxaana uu Dr. Fadal tusaale ka ahaa halyeeyadii naftoodu u huray dalkooda iyo dadkooda.

Isla sannadkii 1989 oo ahaa xilligii dadka reer Somaliland badankoodu qaxootiyada Itoobiya daadsanaayeen dagaalkuna ka socday wadanka, ayaa uu Dr. Maxamed asaasay hayad la odhan jiray SOMAID, hay’addaas oo isla sannadkii 1992kiiba wadanka ka bilawday mashaariic kala duwan oo dadka jilicsan wax loogu qabanayo sida agoontii SNM, kana shaqayn jirtay nabaddaynta iyo horumarka dalka.

 

Dr. Maxamed Cismaan Fadal, waxa uu kamid ahaa asaasayaashii hayadda Akadeemiga Nabadda iyo Horumarka (Academy for Peace and Development) isaga oo hormood ka ahaa cilmi-baadhis lagu sameeyey Somaliland oo kamid noqday buugaagtii ugu horaysay ee Somaliland caalamka usoo bandhiga xaqiiqda Somaliland ka jirto iyo sida ay Somaliland agaheeda isugu taagtay, buuggaas oo la yidhaahdo A Self-Portrait of Somaliland: Building from the Ruins. Halkan ka eeg buugga oo dhammaystiran: http://www.mbali.info/doc16.htm .

Waxa kale oo kamid ahaa qoraalladii uu xaqiiqda Somaliland caalamka ugu bandhigayey:

1.       “ Rebuilding Somaliland: A Critical Appraisal of the Post-Conflict Reconstruction Process. Ottawa: IDRC, 1996”.

2.       “Displaced Somalis” In: INTER-ACTION, Ottawa, Canada, 1991

3.       “Situation in Somalia”: The movement of Peoples: View from the South, Ottawa, Canada

4.       Buugaag iyo cilmi-baadhisyo tiro badano o ku saabsan horumarka, dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda Somaliland oo aad ka akhriyi kartid: www.soradi.org

Run ahaantii, haddii cid uun loo tirin karo mudakarnimada siyaasadeed ee Somaliland qayrkeed ku dhaaftay, Dr. Maxamed waxa uu kamid noqonayaa aqoonyahanka tirada yare ee safka hore kaga jira kobcinta dimuqraadiyadda iyo haykalka dawladnimo ee Somaliland maanta ka jira. Waxa kale oo aan odhan karnaa, Dr. Fadal waxa uu kamid yahay ashkhaasta fara-ku-tiriska ah ee Somaliland dheertay Somalia inteeda kale. Dr. Maxamed, waxa uu kamid yahay inta tirada yar ee aqoontooda uga faa’iideeyey ee ay anfacday dadkooda iyo dalkooda. Taariikhdiisa laguma hayo oo ma laga helayo wax hagar-daamo waxaana uu ku suntan yahay aqoon, caddaalad, hufnaan, karti iyo fikir dheer. Waxa uu kamid ahaa aqoonyahankii tirada yaraa ee dhib iyo dheef wixii dadkani soo maray lasoo qaybsaday, waxaana uu kamid ahaa horseedkii qurba-joogga wadankooda kusoo noqday si ay wax ugu qabtaan. Waxa aan odhan karnaa, ugu yaraan, waddankan abaal buu ku leeyahay Dr. Fadal caqligiisii iyo cuudkiisiina waxa qaba wadankan oo uu dib ugu celiyey, waana tusaale nool oo mudan in lagaga daydo

DABEECADiHIISA

Dr. Fadal dabci ahaan waa nin fiirsi-badan, furfuran, sheeko badan, xidhiidh badan oo firfircooni dhallinyaranimo leh isla markaana, xishood iyo ixtiraam badan. Waa nin xidhiidh la leh asxaab badan oo wadanka dacalladiisa ah kana fog aafooyinka qabyaaladda, qaadka iyo qiiqa. Taariikhda ma lagu xaman eex, musuqmaasuq iyo wax-is-daba marin waana nin jecel naftiisa oo ka ilaaliyo wixii nusqaan ah. Waa nin saaxiibadiisu ku fidsan yihiin daafaha dunida iyo gobolada wadankaba (lamid ma aha kuwa aan qoyskooda dhaafsiisnayn, ee bartii-yaqaan bari uma korodho ku sifoobay). Waxa lagu bartay caddaalad, xaqsoorid, hufnaan iyo dhawrsanaan. Waxa aan xusuustay nin wadaad ah oo aan hore ula shaqaynin laakiin ay hawli dhex martay oo yidhi, “ninkani, waa bi macnal kalima, aqoonyahan Soomaaliyeed”. Wadaadkaas oo la khushuucsanaa qaabka badhax-tiran ee uu u shaqeeyo Dr. Fadal.

 

XIGASHO

Aan soo xigto, Xoghayihii Hore ee Xisbiga Kulmiye, Allah Ha U Naxariistee, Keyse Xasan Cige oo ka hadlayey xaflad ay isugu yimaaddeen ardaydii ka qalinjabisay Iskuulka Sheikh Secondary School oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu Keyse yidhi isaga oo ka hadlaya Dr. Fadal, “isaga oo noogu yar ayuu haddana nagaga guulaystay tartankii adkaa ee loogu jiray Guddiga Iskuulka”. Sidaas, ayay nolosha Df. Fadal ugu suntanaatay guul hawrkarnimo ka horayso.

La soco qaybta dambe …………. fadlan haddii aad wax macluumaad ah oo dheeraad kusoo dir emailkan.

 

By Dr. Abdiwahab Cabdillahi Iidaan

Email: hoodaale13@gmail.com

COMMENTS
LINKS