|
|||||
WAJAALE NEWS
Tahriibeyaal Badan Oo Ku Dhintay Doon Ku Degtay Badda Libya.
September 15, 2014 - Written by Wariye:
Afhayeenka Ciidanka Badda Libya Ayuub Qaasim ayaa sheegay in 26 qof oo kaliya laga badbaadiyay 250 Qof oo saarnaa Doonta “Waxaa jira Maydad badan oo sabanaya badda dhexdeeda” ayuu Afhayeenku u sheegay Wakaalada Reuters, isagoo intaasi raaciyay inay ciidanka baddu aanay haysan tayo iyo qalab badan oo ay ku badbaadiyaan dadka wali la rajaynayo inay bad qabaan. Lama Oga dhalashada rasmiga ah ee dadkaasi balse Ayuub Qaasim waxa uu sheegay inay dadkaasi u badnaayeen African. Dawladda talyaaniga ayaa todobaadkan sheegtay in Sanadkan 2014-ka 100,000 oo Tahriibeyaal ahi soo gaadheen xeebaha Talyaaniga. Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Magaalada Wajaale Ka Daahfuray Qorshe Lagu Balaadhinayo Isticmaalka Shilinka... DAAWO; Murashaxa Xisbiga kulmiye Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Ujeediyay Dadwaynaha Deeganada W... Daawo:Dr.Gaboose Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Dad Xubnaha Jidhka Lagala Baxo Caasimada Hargaysa COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|