Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Warbaahinta Somaliland Ugu Baaqay In Ay Warxumo Tashiilka ka Dayaan Arrimaha Dawlad Deegaanka Somalida Etoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Warbaahinta Somaliland Ugu Baaqay In Ay Warxumo Tashiilka ka Dayaan Arrimaha Dawlad Deegaanka Somalida Etoobiya
September 30, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Suldaan ismaaciil oo ka mid ah salaadiinta Somaliand iyo deegaanka Somalida Itoobiya, ayaa baaq u diray dhammaan warbaahinta Somaliland iyo mas’uuliyiinta Dawlad Deegaanka Itoobiya.

Suldaan ismaaciil ayaa isagoo warbaahinta la hadlaya wuxu yidhi; “Ugu horrey waxaan salaamayaa guud ahaan ummada Somaliland iyo dawlad deegaanka Somalida Itoobiya oo labadaba aan suldaan u ahay. Bacda salaan waxaan mudooyinka warbaahinta somaliland aad wax uga qoraysay khilaafka dhex maray mas’uuliyiinta dawlad deegaanka , kaas oo aad moodo in saxaafada Somaliland buunbuunin iyo iyaga oo qora waxyaallo dadka sii kala fogaynaya. Waxaan leeyahay, maaha in aad dab sii shidaan warar aan jirina ka qortaan, kuwaas oo ah kuwo dadka iyo mas’uuliyiintaba kala fogaynaya dadku waa dadkeenii dawladeenii waxa la inooga baahan yahay in aan is barbar taagno waxkasta oo ah wanaagooda iyo isku duubnidooda sii xoojinaya ka baahino. Maamulka degaanka Somalida muddooyinkan dambe waxay gaadheen horumar balaadhan waxayna ku gaadheen isku duubni iyo wada tashi waxaan leeyahay arrimaha dhexdiina ku dhammaysta wada hadal iyo isku tanaasul, taas ayaana sii xoojin karta wada qayntiina dhammaytirna u noqonaysa dadaalada aad ugu jirtaan in bulshada deegaanadu helaan horumar la taaban karo.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu intaas raaciyey; “Dhanka kale maalmahan ayaa waxad moodaa in uu sii dammayo khilaafkii ka jiray madaxda deegaanka somaliada ee uu Madaxwaynaha Cabdi Maxamuud Cumar oo muddadii uu Madaxwaynaha ka ahaa Dawlad deeganka somalida etoobiya ku talaabsaday horrumar laxaadle korna u qaaday nabadgalyada Somalida Itoobiya una noqday mid u saamaxda dhammaystirka dhammaan baahiyaha aas aasiga ah, korna u qaaday guud ahaan wax soo saarka deegaanada Somalida, taas oo mid ku dayasho mudan yididiilana galinaysa guud ahaan Somlida geeska iyo Somaliland-ba una baahan inlaga dhawro waxkasta oo hagardaamaynaya horumarkooda.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS