Soomaaliya Oo Ka Muraara Dillaacday Hirlgalinta Somaliland Ee E-Passport-ka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaaliya Oo Ka Muraara Dillaacday Hirlgalinta Somaliland Ee E-Passport-ka
September 11, 2014 - Written by Wariye:

e paspoorWashington(WJN):-Xukumadda Somalia, ayaa ka muraara dilaacday Basaboorka Elektarooniga ah(E-passport)ka ah ee Somaliland hirgalisay.

Safaaradda Somalia ee Maraykanka ee uu madaxda ka yahay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegtay inuu yahay basaboorku  mid foojari ah.

War qoraal ah oo Safaaraddu Boggeeda Twitter-ka ku baahisay ayaa lagu yidhi  “Wargelin, waxaa jira Basaboor Foojari ah oo ay soo saareen Maamulka la yidhaahdo Somaliland ee ka digtoonaada”

Waxay intaasi sii raacisay Safaaraddu“Basaboorku waa dhukumenti lagu socdaalo, sida caadiga ahna waxaa bixisa Dawlad qaran oo caddaysa Sumadda iyo dhalashada, Somaliland waa waddan aan jirin”

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa doraad furay qaadashada Basaboorka cusub ee Somaliland waxaanu ugu baaqay beesha caalamku inay aqoonsato guulaha Somaliland.

Hadalka Safaaradda Somalia ayaa u muuqda mid ka mid ah haddimaynta Somaliland ee dhinaca diblamaasiyadda iyo xidhiidhka SOmaliland la leedahay Beesha Caalamka. waxay hore u fara galisay Somalia deeqaha waxbarashada, Hawada, Badda iyo Heshiisyada Shirkaddaha Shidaal baadhista.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS