|
|||||
WAJAALE NEWS
Somalia Oo Shirkaddaha Somaliland Shidaalka Ka Baadhaya Ugu Hanjabtay Inay ka Dacwaynayso Golaha Amaanka QM
September 4, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)Dawladda Somalia ayaa Shirkadda Somaliland ka baadhaya Shidaalka Eedayn u jeedisay, gaar ahaana Shirkadda laga leeyahay Norway ee DNO. Somalia waxay sheegtay inay Curyaaminayso dadaalka amaanka Somalia dib loogu soo celinayo. Wasiirka Tamarta ee Somalia ayaa Arbacadii shalay u sheegay Wakaalada wararka Reuters in Somalia Dacwad ka gudbin doonto Shirkaddahaasi. Wasiirka ayaa Shirkaddaha Shidaal Sahaminta ku eedeeyay inay heshiis ku galayaan meelo ka hor 1991-kii heshiisyo lagula galay shirkaddo kale. Waxa uu sheegay inay Wakiilada Shiraddaha Exxon Mobil, ConocoPhillips, Chevron, iyo BP dhawaan kulan la yeesheen, shirkaddahan oo Somalia heshiisyo la galay ka hor 1991, balse hadda ay Somaliland shirkaddaha kale siinayso Liisankeeda. “Shirkadduhu waxay saxeexayaan Heshiisyo is-dulsaaran, iyagoo u halgamaya sidii ay Maamul Goboleedyada ula shaqayn lahaayeen” ayuu yidhi Wasiirka Tamarta Somalia Wasiirku waxa uu Shirkaddaha ku eedeeyay hagar daamaynta Amaanka Somalia waxaanu yidhi “Kombaniyadan yaryari waxay curyaaminayaan dalka, waxayna burburinayaan dadaalka Bulshada caalamku ku dhisayso nabada iyo deganaanshaha” Wasiirka Tamarta Somalia waxa uu Reuters u sheegay inay Dacweyn doonaan Shirkaddaha Shidaal Baadhista “ Waxaanu ugu digaynaa Shirkaddahaas in Dawladda Somalia Cabasho uga gudbin doonto Waddamada ay ka soo jeedaan iyo Golaha Amaanka Qaramada midoobay” ayuu yidhi Wasiirku. Warbixinta Reuters waxaa lagu sheegay inaan wasiirku wax Caddayn ah soo bandhigin marka laga reebo Hadalkiisa Eedaynta ah. Wakaaladda Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in Shirkadda DNO ka jawaabi wayday Telefono iyo Email-lo ay u direen si ay uga jawaabto Eedan. Eedaynta Somalia ayaa u muuqata Talaabo kale oo diblamaasiyadeed oo ay ku curyaaminayso Xidhiidhka Somaliland iyo Wadamada ama Shirkaddahaha Shidaalka. Somalia ayaa loolan dhinaca xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland la leedahay Caalamka kula jirta, iyadoo hore u fara galisay Deeqaha waxbarasho, badda iyo Hawada Somaliland. WAJAALENEWS DESK Related posts:DAAWO;-Xisbiyada Mucaaridka Jsl Oo Booqasho Ugu Tagay Qoysas Madaxwaynuhu Dhulkoodii Ku Hayso Oo Tac... Bulshada Ku Ganacsata Suuqa Gobonimo Ee Magaalada Hargaysa Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Shirkad Koo... DAAWO; Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Hadlay Loolanka Loogu Jiro Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|