Shacbiga Reer SCOTLAND Oo U Codeeyay Kamid Ahaanshaha Boqortooyadda Reer Ingiriis | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shacbiga Reer SCOTLAND Oo U Codeeyay Kamid Ahaanshaha Boqortooyadda Reer Ingiriis
September 19, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Shacabka Scotland oo Khamiistii codkooda ka dhiibtay aftida Gooni isu taaga ayaa 54% kamid ah doorteen inay kasii mid ahaadaan dalka UK.

Codbixinta ayaa ahayd mid adag iyadoo ay codkooda dhiibteen 87% dadkii diiwaangashanaa tiradaasi oo ah mid aad u sareysa.

Kooxda dooneysay gooni u goosadka oo uu hogaaminayo Raysalwasaaraha Maamulka Scotland Alex Salmond iyo xisbigiisa Scotish National party ayaa qirtay in laga guuleystay.

Saw-OWN8-420x236

Raysalwasaaraha UK, David Cameron oo si weyn ugu farxay natiijada ayaa sheegay in xukuumadiisa si deg degleh u bilaabi doonto baahinta awooda dowlada UK iyadoo Scotland lasiin doono awoodo dheeraad ah dhanka ismamulka

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS