-Shacabku Maxay Ka Yeeli Doonaan Xukuumaddan By Mukhtar Cilmi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
-Shacabku Maxay Ka Yeeli Doonaan Xukuumaddan By Mukhtar Cilmi.
September 9, 2014 - Written by Wariye:

Iyadoo taasi jirto ayaa hadana xuuumadda madaxweyne Silaanyo waxay samaysay in muwaadiniintii kartidoodda iyo Shahaadooyinkoodda

 
 

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.

Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga ee Hadhwanaag.ca

Afar sano iyo bilo ka hor ayay ahayd maalimtii ay shacabku masiirkoodda gacanta ku qabteen, kaasi oo ay gacanta u geliyeen Xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminaayo Madaxwene Silaanyo waxaana is waydiin leh maxay ahayd ujeedada dadku doonayeen??, Jawaabtu waxay ahayd in xukuumadd ay hagto Dalka iyo dadkaba una horseedo horumar iyo midnimo, laakin waxay noqotay xukuumaddan kulmiye mid  u Horseeday Nabadd gelyo Xumo iyo dib u dhac Iyo dufuf ku yimi qadiyadda somaliland iyadoo markay qabsanaysa xukunka ku wacad martay midnimo iyo walaalnimo !!, waxanu ognahay in

nabadgelayadda wadanka ka jirta uu keenay shacabkan, nabadgelyadina ay ilaa maalintii xkuumadda Silaanyo hogaanka wadanka gacanta ku dhigtay ay maalinba maalinta kasii dambaysa ay kasii darayso,waxaynu ognahay in dilki iyo dhacii iyo tuugadii ay sii korodhay, waxaynu ognahay in qofwaliba uu wuxuu doonayo sameeyo oo isagu sharcigii isu hayo, maxkamaddihina ay noqdayn fadlan lacag igu shub !!, waa ayaan daro .

 

Waxaa xaqiiq ah in xukuumadda Madaxweyne Silaanyo madaxda ka yahay inay jiran wasiiro ku sheeg waliba ku lacag qaata shaqaale aan wasaaradda loo qorin oo aan jirin, hadiise shaqaalaha si fiican loo qorilahaa waxaa xaqiiqo ahaan lahayd in dad fara badan oo rag iyo hawenay leh ay shaqo heli lahaayeen taasina ay kor u soo qaadi lahayd dhaqaalaha muwaadiniinta, islamaraakana ay caruurtii mustaqbalka iskuulo ku dari lahaayeen,tusaale soo qaado wasaaradda Gaashaandhiga waxaa la ogyahay in Ciidamo aan rasmiyan u jirin hadana musharkoodda laga soo qaado wasaaradda maaliyadda, mushaharkaa rag dhintay ama askari aan sharci ku qorayn lagu soo qaadayo waxay jeebkoodda gashaa shakhsiyaaad kuwada bahoobay Musuqmaasuqa !!.

 

Iyadoo taasi jirto ayaa hadana xuuumadda madaxweyne Silaanyo waxay samaysay in muwaadiniintii kartidoodda iyo Shahaadooyinkoodda shaqooyinka kaga helay Hay’adaha ajaanibka ay iska hor istaagtay, islamarkaana ay dad ajaanib ah debedda ka keentay, waxaa taa raaca in meelihii shaqooyinku ka jireen sida dekedda Berbera ay xukuumadda Kulmiye irida u xidhay, waxaa cad in Musuqmaasuqii uu si qayral xad ah usii kordhay, waxa markhaati ka ah in meelihii ilaha dhaqaalaha ugu wayna kasoo bixi jiray aan cashuuraha maasaaniyadda xukuumaddan lagu soo darin laakiinse ay ku dhacdo amaba lagu shubto madaxtooyadda.

 

Waxaa markhaati madoon ah in adeegii caafimaadku uu meesha ka baxay oo afar sano ka hor halkii uu taagna uu 50% uu hoos uga sii dhacay, hadaad eegto cusbitaaladii magaalooyinka waawayn ay xaaladoodu kasii dartay, hadii  si deg deg ah wax looga qaban baahiyaha cisbitaaladda way xidhmayaan , ka mar walba u taagan in albabahiisa la xidho waa Cisbitaalkii guud ee Ceerigaabo, mana noqon doono kii u dambeeyey ee iridaha loo xidho ee kuwo kale oo badan ayaa sidaas ku dambaynaya gaadh ahaan ka laascaanood iyo Burco oo laftiisu marayo marxalad xun , ka hargeysaana ay tayo la’aan haysato , wasiirkan xilka u hayayna maaha mid jira o garanaya maamulka wasaaraddan waanu ku fashilmay si weyn.

 

Waxaa xaqiiqo ah in adeega aasaasiga ah sida waxbarashada iyo Caafimaadka ay dawladu miisaaniyada ugu soo darto lacagta ugu yar oo ay ka lacag badan yihiin wasaarado aan jirin amaba aan wax macno ah ugu fadhiyin umada sida dalxiiska oo loo sameeyey in Shakhsiyaad ay lacag ku cunaan ama lunsadaan. Waxbarasha maanta wadankeena kasocota waa mid tayadeedu aad u liidato, iskuulada wadanka waxa baahidooda waxbadan daboolay Qurba jooga reer Somliland, haday tahay buugaag, Kuraasi, miisas, iyo mushasharka macalimiintaba, iyadoo miisaaniyadii hore wax micno leh ku soo kordhin adeegyada Aasaasiga bulshadda ah sida Waxbarashadda Jaamacadaha dalka balse ay waxka bedelkaa xukuumaddu diiday, hadaba ugu danbayn wadanka gurmad ayuu u baahan yahay haa loo diyar garowbo isbedel siyaasadeed ay u baahan tahay maanta somaliland.

 
Khadar2244@hotmail.com

Mukhtar Cilmi

COMMENTS
LINKS