Saxaafada La Xidhaa Ma Iyadaa Khaldan Mise Xukuumada Ayaa ka Khaldan??? Qalinkii Nimco Baashe Cabdi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saxaafada La Xidhaa Ma Iyadaa Khaldan Mise Xukuumada Ayaa ka Khaldan??? Qalinkii Nimco Baashe Cabdi
September 22, 2014 - Written by Editor:

Marka hore waad samaantiin akhristayaasha meel kasta oo uu maqaalkan idinka soo gaadhayo, intaas hadaan kaga gudbo salaan ka bacdi aan u daadago, ujeedada ama hadafka igu kaliftay inaan qalinka u qaato maqaalkan,kolay qofkasta wuu iska fahmayaa halka uu taabanaayo maqaalka ama qoraalkan sida ku xusan ciwaanka sare, waa bayaan aan kaga hadli doono saxaafada Somaliland iyo xukuumada waxa kala haysta, taas oo aynu ku kala ogaan doono saxaafada la xidho iyo xukuumada ka khaldan,marka hore aynu ku horeyno xukuumada, dawlada hada ka talisa wadanka Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aadan {Axmed Silaanyo} markii uu ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye isla markaana ahaa xisbi mucaarid ah, waxyaabihii aadka loogu xasuusto waxaa ka mid ahaa isaga oo si kulul u cambaareyn jiray, dawladii xiligaa wadanka u talineysay ee uu hogaaminaayay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, wuxuuna ku cambaareyn jiray in uu xuquuqdii saxaafada madax banaan uu madax kaga istaagay oo uu meel kaga dhacay, markaana saxaafadu waxay hiigsaneysay marka uu silaanyo noqdo Madaxweyne in uu noqon doono,

Madaxweyne u dooda xuquuqda saxaafada isla markaana illaliya saxaafada Madaxa banana, xiligaa uu Madaxweynaha inoo ahaa Daahir Riyaale Kaahin, hadii wax ay qorto saxaafadu la beeniyo ama la maqlo habal ayaa la xidhay, Axmed Silaanyo wuxuu ahaa ka markaaba ka hadla arinkaa isla markaana ka dooda una dooda dhibanaha suxufigaa ee loo gaysto tacadiga, taas oo jirta xiligaa maynaan aqoon ciidan saqbadhka u daata dadka ama si fool xun u soo qabqabta dadka, laakiin hada waxaa jira ciidan la yidhaa RRUda,waaba ciidan adiga oo iska hurda gurigaaga oo xataa la hurda carruurtaadii xaaskaagi kugu soo daadanaaya halka aad joogto, waa maxay dadka sidaasi qof hadii uu khalad galo ama uu gafo. Kolay bila,adan ayaynu nahay oo qof aan khaldamin inaguma jiro,laakiin qofku hadii uu khalad sameeyay kaas oo ah khalad cadaan ah oo aan indhaha laga qarsan Karin, had iyo jeer waxaa jira dad inta ay khaldamaan waliba uuna u muuqan khaald’koodu balse isu arka ka ugu saxsan duunka, qofkaas oo kale marka uu khalad kaagalo intaad u yeedho bal u sheeg khaladka uu kaa galay waydiina waxa uu ka damacsanaa oo ku dheh, “Walalo Habalow ama hablaayooy waa maxay falka noocaas ah ee aad igaga gaftay? Markaa qofku isaga ayaa dareemaaya in uu khalad galay,laakiin, haddii aad sidii roob ku dul dagto oo aad ku bilowdo hararaf iyo dagaal waxaaba laga yaabaa in uu kugu caragsado oo uu yidhaa Barina taas ayaan ku sameynayaa, markaa wixii’nuba wuxuu noqonayaa col loo joogo iyo dagaal aan dhamaan, qofka isleh dagaal ayaad habal wax kaga qadaysaa waa qof ku socdo waddo khaldan isla markaana uuna waxba ka faa’iideyn, noloshuna sideedaba waa heshiis iyo jacayl hadaan la is ixtiraamin oo aan la kala dambeyn waxba ma kala socoayaan, aduunkaa aad arkeyso ama qaaradahaa waxay ku dhisan yihiin waa heshiis iyo kala dambeyn guud, hadii aan dib in yar ugu noqdo ciidanka RRUda hadii ay yihiin ciidan ka talinaaya amaanka iyo daganaashaha wadanka, waxaa haboon marka amar la soo siiyo loona soo diro in ay halkaa ama gurigaa hawl ka soo qabtaan,qofkii ama shakhsigii loo soo doray maaha in ay dartii reero dhan u kiciyaan, waa in ay cida ay rabaan ee ay xidhayaan ama warbixin ka rabaan, marka hore sidii dhaqanka inoo ahaa albaabka si sharci leh oo anshax leh u soo gargaraac oo waydiiso qofka in aad u soo gali kartoo iyo in kale, kadib u bandhig ujeedada kugu kaliftay in aad halkan timaado iyo cida rabta in uu u tago,

bal eeg markaa haddii uu intaas iyo in ka badan diido waa haddii uu qofku yahay wax kale u jeed, halka aan ku dhaafo ciidanka RRUda loo yaqaano, waxaan rabaa in aan kalmad yar aan faro xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay, Mujaahid ama Mudane Axmed Maxamed Maxamud Aadan {Axmed Silaanyo} waxaan leeyahay dawladeey waxaad ogaataa saxaafadu in ay tahay indhaha wadanka iyo isku xidhka bulshada kala duwan, hadii warbeena la idinka wariyo ama kutiri kuteen waxba ayna ka jirin la idinka sheego soo bandhigta Cabashadiina oo waxad u soo martaan sifo sharci ah, oo ka daaya wariyaashan aad jeelka ku gureysaan iyo meheradahan aad albaabyada iskugu dhufaneysaan, haddii wasiir habal wax laga sheegay maaha in dawlada oo dhan wax laga sheegay ee ogsoonow in shakhsi wax laga sheegay, kaas wax laga sheegay ha hadlo oo ha sheego in uu Bahda warbaahintu khalad ka tirsanaayo, laakiin hadii aad tidhaahdo waxaan soo kacaysanayaa ama aan soo diranayaa laba askar oo habal ii soo qabta ka dib jeelka ha ii geeyaan, waxaas maaha wax ku haboon xukuumada iyo shakhsi kasta oo ku kaca falalka noocaas ah, markaa waxaan leeyahay ka fiirsada waxyaabaha aad u gaysaneysaan saxaafada madaxa banana,markastana waxaa la idiinka baahan yahay dulqaad badan maadaama oo aydun wadaankaas dhan aad madax u tihiin, intaas hadaynu ku dadalno inaga iyo wadankeenuba waxaynu gaadhi karnaa horumar soo jiita indhaha caalamka in sha allah,waxaan halkaa kaga baxayaaa kalmadii aan u gudbinaayay dawlada, waxan rabaa inaan dhawr kalmadood aan ku soo biiriyo saxaafada badaxa banana,saxaafada horta marka hore waxay leedahay sifo sharciyeysan oo loo soo maro,qofna isaga oo ah sidii ay hooyadii ku dhashay iskama sheegto suxufi ama wariye, markaa waxaan leeyahay meeday xeerkii aad u soo barateen in aad noqotaan saxaafad? Ee ahaa inaad bulshada aad u adeegtaan u noqotaan muraayad ay iska dhex arkaan, wiil kasta oo suxufi ah ama gabadh kasta oo suxufiyad ah la soco ama ogow in uu xil wayni ku saaran yahay isla markaana lagaa sugaayo hawl badan, kolay qofba wax ayuu aaminsan’yahay iyo fikir gaara, anigu hadaan iska hadlo ama aan cabiro fikirkayga ku aadan qofka suxufigaa waxay tahay, waxaa jira dad badan oo had iyo jeer raadiya wax ama war dhaliil sheegayaa, waa maxay suxufiga raadinaya dhaliisha wadankiisa? Waa maxay wariyaha raadinaya war dad badan isku dira? Waa maxay wariyaha maalin kasta lagu xaraynaayo jeelka? Waar hadaad tihiin saxaafad ma isweydiiseen sabaabta kaliftay in la xidho wariyaasha? Marka la xidho wariye waa maxay sabaabta aynu keena u yar ilaa keena u wayn isu daba yaacno si aynu dhaliil u saarno cidii xidhay bal horta maxaynu u eegi waynay wariyaha la xidhay ma khalad ayuu galay mise waa lagu gafay?   Waxaas oo su’aalod iyo qaar kaloo badan waa kuwa maskaxdayda ku soo noqnoqnaaya, marka aan maqlo waxaa la xidhay tafaftirihii halkaa, waxaa la xidhay wariye ka tirsan meel hablaayo, waxaa la dilay wariye u shaqeeya meel halkaa ah, saxaafada Somaliland wali may gaadhin halka aan rabay in ay ku talabsto,   ururka suxufiyiinta somalilnd maaha in uu afka ka yidhaa waxaan qaabil’saney warbaahinta Somaliland,

bale waa in uu saxaafada Somaliland kor loo qaado oo kuwa aan wax barasho fiican aan helin waa in la gacn qabtaa, waa in la dhisaa aqoonta wariyaha si uu dadka ugu adeego, halkaas ayaan ku soo afjarayaa hadalka maqaalkan waxaan leeyahay sidan ha la isu dhaamo oo sidan wax ha laga badalo,

aad ayaad u mahadsantihiin akhristayaasha sharafta leh aragtidaada ku aadan ujeedada maqaalkan waxaad ku soo hagaajin kartaa Ciwaanka ku hoos qoran

COMMENTS
LINKS