Salaadiinta Reer Awdal oo Sheegay in ay Madaxweynaha uga fadhiyaan ka Jawaabida Cabashadooda ay u soo Gudbiyeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Salaadiinta Reer Awdal oo Sheegay in ay Madaxweynaha uga fadhiyaan ka Jawaabida Cabashadooda ay u soo Gudbiyeen.
September 6, 2014 - Written by Editor:

Saladiintii Reer Awdal oo Ka Dareen Celiyey Guddii Madaxweyuhu u saaray Cabashadooda
“Guddida Madaxweynahaa Dirtay warqada danbe ee la Qoray way kooban tahay, laakiin warqad balaadhan ee anagu aanu qornay ayaanu uga fadhinaa in uu noogga Soo jawaabo” Suldaan Dhawal.

Salaadiinta-AWDAL
Hargeysa (Wajaalenews) salaadiinta Dhaqanka ee Gobolada Deeganada Awdal, , Iyo Salal ayaa ka hadlay Cabasho ku saabsan Saamiqaybsiga Xukumada Somaliland oo ay u Gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), iyaga oo Sheegay in Madaxweynuhu ka Qablay Qoraal Dheer oo ay ku soo koobeen Cabasho ay ka qabaan Saamiga ay ku leeyihiin Xukuumada Siilaanyo.
Salaadiintan oo Shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Boorma oo ay Dib ugu laabteen ay ka Hadlay waxyaabihii ay ka Wadda Hadleen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Waliba sidda uu cabashadoodii uga jaawabay, waxa kale oo ay ka hadleen sidda ay u arkaan Guddidii madaxweynuhu u Xilsaaray arrintooda.
Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka ee Gobolada Galbeedka Somaliland Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankii ay madaxwaynaha la yeesheen iyo wixii ay isla af-gaadheen.
Waxanu yidhi. “Haddii Aanu nahay Duqayda halkan fadhida, ee mudada Sanadkan iyo badhka ahna Agtiina fadhiyeysay, kuna hawlanayd hawlaha Horumarinta Gobolada Galbeedka iyo Guud ahaan Somaliland, runtii Qodobka Saami qaybsiga ee ay ugu sarayso Jaggada Wasiirnimada illaa Heer Shaqaaleed oo cabasho aanu ka qabnay ayaanu halkan kaga ambo baxnay oo muddo 13 cisho ah Hargeysa u joognay, waxanu u balansanayn muddo dheer oo labba Sanno Gudahood ah, in madaxweynaha Dalka Mudane Axmed Siilaanyo tabashada hore aanu u gaadhsiinay in uu ka soo jawaabo, laakiin waxay haddan ka fursan wayday iyada oo qoraal ah in aanu u dhiibno, marka waxanu la kulanay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka iyo madaxda kale ee Madaxtooyada waxanu u gudbinay Tabashadii mudada todobada Billood ah ka shaqeynaynay waxanu madaxweynaha ugu akhrinay qodob qodob, madaxweynuhu Qoraalkii iyo Hadalkiiba halkii ayuu nagaga Guddoomay waxanu noo sheegay in uu hawshan gallayo anaguna waxanu u sheegnay in aanu muddo sugayno muddo ayaanu sugaynay.”

Isaga oo Suldaanku hadalka sii waatan waxa uu yidhi. “Warbixintii ugu danbeysay waxa uu naggu soo celiyey oo uu madaxweyne Ku-xigeenka naggu soo dhiibay in uu guddi u saaray, halka marka ay joogto anagu waxanu dabbo taaganahay waxanu wax ku doonaynaa waa qoraalka aanu u gudbinay weeyi ee ku cad saxeexayaga iyo shanbadayada, arrinta madaxweynaha aanu uga fadhinaana waa arrintaasi aanu u gudbinay, anagu cid kale kama sugayno ee Madaxweynaha ayaanu ka sugaynaa in uu cabashadayadii ka soo jawaabo, waxanu wax ku doonaynaa waa dalka aanu wadda leenahay weeyi, waa dadka aynu wadda leenahay, waa danta aynu wadda leenahay, wixii dadkani ay xaq u lahaayeen in ay ka hellaan Somaliland weeyi, waxa shuraako laggu yahay waa Dalka iyo Dadka, waxa intaasi dheer oo anaga nagu jirana ma jirto, anagu waxanu qirsanahay in dalka lawada leeyahay in wixi khayraad ah ee ka soo bax la wadda leeyahay, runtii wax dheerad ah oo aanu cid kale wax uga wakiil nahayn ma jirto waxanuna madaxweynaha uga fadhinaa arrintaasi, Guddida madaxweynaha Dirtay warqada danbe ee la Qoray way kooban tahay laakiin warqad balaadhan ee anagu aanu qornay ayaanu u fadhinaa, madaxweynuhu haadii kii lagga cabanayey Dirto iyo haadii kaleba isaga ikhtiyaar u leh laakiin waxanu donayanaa wixii aanu u gudbinay in uu nooga soo jawaabo.”Ayuu yidhi Suldaanku.

Mar la Waydiiyey in Qoraalka ay Madaxweynaha u Gudbiyeen uu ka turjumayey dadka degga Deeganka Awdal, Gabiley, Salal iyo Lughaya, balse Qoralka madaxweynuhu soo saaray ee Guddida Wasiirada ku magaacay uu ku sheegay in ay ka soo tallo bixiyaan Cabashada Odeyaasha Reer Awdal, marka miyaanay u muuqan in lagga tagay deegan dhan oo aad ka Turjumayseen laguna soo koobay Awdal?
J: Anaga waxa noo qora Gabiley , Salal, Lughaya iyo Awdal ta aanu gudbinay ee aanu sugaynaa in cabashadeeda dadka deegankaasi laga soo jawaabo wweyi, tan danbe cidii qortay iyo sidii loo qoray ayey u taalla, madaxweynah ayaa Qoraalka qoray cidii uu diranyo isagaa u xaq leh isaganay wasiiro u yihiin

COMMENTS
LINKS