Saan Saan Colaadeed oo Ka taagan Magaalada Gaalkacayo iyo Shacabka oo billaabay Barakac – | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saan Saan Colaadeed oo Ka taagan Magaalada Gaalkacayo iyo Shacabka oo billaabay Barakac –
September 28, 2014 - Written by Editor:

Gaalkacayo(Wajaalenews);Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegaya in saaka ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, iyadoo shacabka degmada ay billaabeen inay barakacaan, kaddib markii ay dareemeen dhaqdhaqaaqyo ay sameynayaan ciidammo ka kala amar qaata maamullada Galmudug iyo Puntland.

Magaalada_Gaalkacyo_Mudug

Wararka ayaa waxay sheegayaan in labada maamul ay ciidammo fara badan soo dhoobeen xuduudda ay wadaagaan, taasoo keentay in shacabku ay cabsi xooggan dareemaan.

Maamullada Puntland iyo Galmuudg ayaa waxaa toddobaadkii u dambeeyay u dhexeysay xiisad ka dhalatay garoon la xiray, iyadoo labada dhinac ay isku hanjabeen, inkastoo xukuumadda iyo waxgaradku ay ugu baaqeen inay si nabad ah ku dhameeyaan khilaafkooda.

Sidoo kale, wararka saaka laga helayo degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uusan jirin dhaqdhaqaqii ganacsiga, inkastoo meelo yaryar ay furan yihiin, waxaana tani ay imaanaysaa xilli madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ku sugan uu maalin ka hor ku dhawaaqay in xiisdda si nabad ah lagu xalliyo.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayaa labada dhinac isku eedeeyay in xiisadaha colaadeed ay iyagu wadaan, iyadoo la sheegayo in shacabku ay u barakacayaan deegaannada magaalada ku dhow-dhow.

Illaa hadda ma jiro mas’uul ka tirsan labada dhinac oo ka hadlay xiisadda saaka ka taagan degmada Gaalkacyo, iyadoo xiisadan ay noqonayso tii ugu horreysay nooceeda oo labadan maamul soo dhexgasha tan iyo markii xilka madaxnimo ee Puntland uu qabtay C/weli Gaas oo horay ra’iisul wasaare u soo noqday

WAJAALENEWS DESK

WARIYE CABDISAMED  XALANE

 

COMMENTS
LINKS