Qunsuliyadda Turkiga Ee Hargeysa Oo Bilawday Bixinta Fiiseyaasha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qunsuliyadda Turkiga Ee Hargeysa Oo Bilawday Bixinta Fiiseyaasha
September 28, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay inay bilawday bixinta Fiisayaasha dalku galka laga bilaabo 26-kii bishan gabogabada ah.waxay sidaasi ku sheegtay Qunsuliyaddu qoraal kooban oo ay boggeeda Twitter-ka ku baahisay.

qunsuliyada turkiga

“Qunsuliyadda Turkiga ee Hargeisa(Tukish Consulate in Hargeysa),Waxay bilawday bixinta Fiisayaasha laga bilaabo 26 September 2014” ayay Qunsuliyaddu ku tidhi Farriinteeda kooban ee Twitter-ka lagu baahiyey.

Qunsuliyadda Turkiga oo dhawr bilood furnayd faahfaahin kama bixin hanaanka Fiisaha ay bixintiisa bilawday loo adeegsan karo iyo in Basboorka Somaliland lagu bixinayo Fiisaha.

Arintan ayaa saacidi doonta Bulshada Somaliland oo arimo badan uga baahan kara Turkiga sida arimaha waxbarashada,Caafimaadka iyo ganacsiga

 

COMMENTS
LINKS