“Qoor gooyaha Ururka Daacish” oo la aqoonsaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Qoor gooyaha Ururka Daacish” oo la aqoonsaday
September 26, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Waa nin ka tirsan kooxda isku magacawday Khilaafada Islaamiga ah, oo isaga oo ku labisan dhar madow ka soo muuqday muuqaalo muujinaya lahaystayaal qoorta laga jarayo.

qoorgoyaha daacish

 

 

 

 

 

 

 

Waxa uu kasoo muuqday muuqaalo video ah, kuwaas oo muujinaya labadii weriye ee Mareykanka ahaa, James Foley iyo Steven Sotloff oo qoorta laga jarayo iyo weliba qoor ka jaradii David Haines oo ahaa samafale u dhashay Britaine.

In kasta oo ay hay’adda dembi baarista ee Mareykanka ay ka gaabsatay sheegida magaca iyo dalka uu u dhashay ninkaasi, ayaa haddana mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Britain waxa ay sheegeen in uu u egyahay qof British ah.Waxa ay u muuqaataa in muuqaalada argagaxa badan ee uu soo bandhigtay ururka la magaca baxay Khilaafada Islaamiga ah, ay gacan ka geysteen taageerada loo hayo duqeynta cirka ah ee lagu bilaabay.

Balse duqeymahaasi ayaa la rumeysan yahay in ay mudo qaadan doonaan, maadaama uu ururka hadda gacanta ku hayo dhul ballaaran oo ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya

COMMENTS
LINKS