Qiimaha Guurka iyo Wax Tarka uu Leeyahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qiimaha Guurka iyo Wax Tarka uu Leeyahay.
September 5, 2014 - Written by Editor:

Guurku waa hadafka ugu weyn ee uu gaadho qofku markuu dhalinyaro yahay waynu wada ognahay qofku markuu dhalinyaro yahay inta badan waxaa la waydiiyaa ma guursatay.
Diinteenu Maxay Ka Tidhi Guurka?
Sidoo kale diinteenu waxa ay in badan dhiiri galisaa guurka Rasuulku(scw) waxaa uu yidhi:- “Dhalinyarada kii awoodaa ha guursado” waxaa kale oo uu yidhi:- “guurka badiya si maalinta aakhiro la jooga aan idiinku faano waayo maalintaa umaduhu marka ay soo baxaa ee nabi kastaaba uu wato qoomkiisii waxaa ugu da’d badan nabi muhammed(scw) markaa guurka Badiya ayuu yidhi si maalintaa aan idiinku faano marka uu guurku bato waxaa badanaya dhasha waana taas uu doonayo nabi muhammed(scw).
Sidoo kale diinteenu waxa ay inoo sheegtay in qofku markuu guursado ay diintiisu kaamil tahay ama dhamays tiran qofku inta aanu guursan diintiisu waa badh, badhka kale waxa uu ku Xidhan yahay markuu guursado markuu guursada ka bacdi ayey diintiisu dhamays tirmaysaa.
Guurka Soomaalida Barigii Hore.
Barigii hore soomaalida guurku uu ku adkaa oo qofku si dhib yar kumuu guursan karayn sababta oo ah iyadoo ninku markuu doono in uu guursado laga dooni jiray xoolo badan oo iskugu jira geel iyo qori oo laga yaabo in laga qaado 100 neef oo geel ah.
Hadaba iyadoo ay taasi jirtay ayaa hadana soomaalidu ay ahaayeen dad guursado oo xoolahaa laga doonaya ayna ka hor joogsan jirin in ay guursadaa oo qof waliba uu guursan jiray qofku hadii aanu guursan inta badan xil looma dhiiban jirin ama waxba lama waydiin jirin waayo qofku markuu guursado waxa uu noqdaa MASUUL.
Waxaa kale oo qofka la eegi jiray marka la doonayo in wax loo dhiibto ama xil loo magacaabo waxaa la eegi jiray sida uu reerkiisa ama gurigiisa sida uu ula dhaqmo hadii uu qofkaasi yahay mid aan wax badan ka ogayn reerkiisa waxa ay odhan jireen waa maaha masuul ee waa qayral masuul markaa xil looma dhiiban jirin waana ta keentay in oday kastaa uu reerkiisa wanaajiyo waayo waxaa la odhan jiray gabadhaa waxaa dhalay oday wanaagsan waxayna ka soo jeedaa reer wanaagsan sidoo kale ninkana sidaa ayaa la yidhaaa.
guurka maanta la soco cadadka danbe.

 

COMMENTS
LINKS