Qarax khasaare Nafeed Sobobay oo ka dhacay Jidka isku Xidha Muqdisho iyo Afgooye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax khasaare Nafeed Sobobay oo ka dhacay Jidka isku Xidha Muqdisho iyo Afgooye
September 8, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO(Wajaalenews) — Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay soddomeeyo qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo lagu bartilmaameedsaday sida ay goobjoogayaashu sheegeen gaadiid ay askar AMISOM ah wateen oo waddadaas marayay.

“Waxaa dhacay qarax weyn oo khasaare badan geystay, waxaana gubtay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee caasiga loo yaqaan oo gobol ka yimid kuna socday Muqdisho, gaari kalena oo caasi ahna khasaare ayaa gaaray,” ayay tiri gabar ka mid ah dadka ku nool meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Goobjoogahan ayaa sheegtay inay arkeen laba askari oo AMISOM ka tirsan oo qaraxaas ay kasoo gaareen dhaawacyo, iyadoo gabadhan xustay in ruuxna uu ka badbaadin gaarigii uu qaraxu haleelay.

“Baabuurka oo dhan wuu gubtay, dadkii saarnaa oo mayd ah ayaana laga dajinayaa hadda, waddada oo dhan waa la xiray, maydadkana waa la kala garan la’ayahay,” ayay gabadhan hadalkeeda ku dartay.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa haddana loo maleynayaa inay mas’uul ka tahay Al-shabaab, maadaama ay iyagu si gaar ah u beegsadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Hay’adaha amniga dowladda ayaan weli ka hadlin, iyadoo gaariga uu sida lama filaanka ah u haleelay ayaa la sheegay inuu ka yimid deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose uuna ku socday Muqdisho.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ismiidaaminta ah ayaa waxay qaarkood ahaayeen kuwo ka ag-dhawaa halkaas, kuwaasoo qaar ka mid ah la sheegay inay xaaladdoodu daran tahay, waxaana qaraxan uu kusoo beegmayaa xilli dowladdu ay ka digtay weerarro ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho.

Ciidamada AMISOM oo gaadiidkooda qaraxa lala bartilmaameedsaday ayaan ka hadlin weli qaraxa iyo khasaaraha kazoo gaartay, waxaase qaraxu uu ahaa mid xooggan oo laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

 

COMMENTS
LINKS