Musharaxa xusbiga ucid oo socdaal ku Tagaya Magaalada Gabiley Iyo Maayirka Gabiley Oo Soo saaray Wareegto ku lid ah Socdaalka Jamaac Cali Xuseen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa xusbiga ucid oo socdaal ku Tagaya Magaalada Gabiley Iyo Maayirka Gabiley Oo Soo saaray Wareegto ku lid ah Socdaalka Jamaac Cali Xuseen.
September 30, 2014 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews); Musharaxa Xusbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali xuseen ayaa lafilayaa in maalinta bariya uu socdaalku tago gobolka gabiley taasi oo ay safarka ujeedadiisu tahay sidii uu u soo dhawaynlahaa taageerayaal balaadhan oo lafilayo in ay kusoo biiraan xusbiga ucid

warqada maayir shacayb qoraywarqada maayir shacayb qoray

 

 

 

 

 

 

 

 

U diyaar garowga sodhawaynta musharaxa xusbiga ucid ayaa magaalada gabiley aad looga daremayaa waxaanad gudaha magaalada ku arkaysaa caawa dhalinyaro badan oo isku diyaarinaya in ay bari sameeyaan dhoolotus balaadhan oo loo mujiyo xusbiga ucid

Tageerayaashan u soo diga roganaya xusbiga ucid ayaa ka soo diga roganaya xusbulxaakimka taasi oo noqonaysa in dadwayanaha reer gabiley kasii jeedaan xusbiga kulmiye

Dhinaca kale maayirka magaalada gabiley shucayb maxamed muuse ayaa caawa soosaaray wareegto lidku ah safarka xusbiga ucid kutagaya gabiley taasi oo lagaga horjoogsanayo hudheelada in aan xusbiga ucid ku qabsan karin wax xaflada

Isagoo amarka horjoogsiga xusbiga ucid u cuskaday in Aan xiligan looga baahnayn gabiley dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed islamrkaana hudheelka caqbali waaya amaba fulinwaya amarkaa laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan

Amarka maayir shucayb ayaa u muuqda mid madaxtooyadu dabada kariixayso iskuna dayayso awood sheegasho maamul ,

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in ay amarka diidmada xusbiga ucid ay daba kariixayso marwo aamina walis oo aan wali ka khuusan reer gabiley ,

Maaha markii u horaysay ee magaalada gabiley laga hor istaago xusbiga ucid waxaana mar hore ciidamo loo dhigay kaantaroolka caabudla halkaasi xoog lagu horjoogsaday laano diiday inuu gabi ahaanba cagaha dhigo gabiley

Waxaa lafilayaa in xukuumadu ku go,aan qaadandoonta hadba sida reer gabiley uga jawaabaan diidaana dulmiga siyaasadeed ee lala maagan yahay masayrkooda taasi oo ku tusaysa in xukuumada reer gabiley xoog kuhaysato

si xorana aanay u taageeri karin cida ay u arkaan in ay dalka badbaadin karto marxaladan lagu jiro Xiligan

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS