|
|||||
WAJAALE NEWS
Muranka Diiwaan-gelinta iyo Mugga Xildhibaannada. Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 25aad Iyo Qalinkii Boobe Yuusuf
September 17, 2014 - Written by Editor:Nin hadduu tashiga guuto faran, keli ganaanaysto, Gaaraa-yucuuntiyo shinnida, gurucyo-dhaadheerta, Giiryaalayaashiyo fulaa, laguma-guuraanka, Gumarta iyo maajeenta iyo, geed-xunkiyo tuugga, Gun-gunnaafka iyo maarta iyo, gocorka aan buubin, Kun nin oo guraan-gur ah hadduu, goob isugu keeno, Guufka iyo haddii hooda iyo, giniga loo qaybsho, Maansada Gudgude ee Hadraawi, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com 18/9/2014ka, Hargeysa, Qofka maanta ku dooda Doorashooyinkii qorshaysnaa waa la carqaladaynayaa, la yaab ma laha. Maxaa yeelay, wuxu ka saadaaliyay saan-saanka muuqda. Ifafaalaha muuqda iyo saadaashuba ma saalloona. Daliilkeedu wuxu yahay:
Waxan oo dhan marka la isu geegeeyo doorasho xor ah oo xalaal ahi ma idiin muuqataa? Waxay ka hadlayaan Diiwaan-gelin Madaniya oo shalay iyo dorraadba taagnayd. Diiwaan-gelin Madaniya oo berri iyo saad-dambena taagan. Diiwaan-gelinta baadi-soocdaa leh ayaa lagu carqaladaynayaa Diiwaan-gelintii Cod-bixiyayaasha oo sidkeedii iyo shinkeediiba go’een. Waxay dadkii ku dhego-barjeeyeen dhalashadii Somaliland ayaa la qaadanayaa. Waxay dadkii ku wareeriyeen “Taysarooyinkii” ayaa la qaadanayaa. Car su’aashan bal ha ka jawaabaan! Aniga oo dhiggeenna haweenka ixtiraamaya, marka aan su’aashan weydiinayo inta aan garanayn waxay doonayaan, dhegta midig is-qaban maayo, bal se dhegta bidix aniga oo is-haya su’aashu waxay tahay: YAA REER SOMALILAND AH? Car inta ay shaashadaha soo fadhiistaan madaxdooda ilaa minjahoodu ha ka jawaabaan. Aan ku celiyo aniga oo dhegta bidix is-haya: CAR YAA REER SOMALILAND AH? Car bal ha yidhahdaan: kaa iyo kaa. Ama taa iyo taa. Car ha sheegaan reer Somaliland halka ay joogaan? Kaasi waa nabar. Arrinta kale ee Diiwaan-gelinta Madaniga ah taabnaysaa waa macnaha ay xanbaarsan tahay ama run ahaan waxay tahay. Diiwaan-gelinta Madaniga ahi ma aha “Taysarooyin” la bixinayo. Ka waaweyn. Waa ay ka qoto dheer tahay. Diwaan-gelinta Madaniga ahi waa sugidda dalkan astaysan ee xuduudaha caalamiga ah leh ee Somaliland dadka iska leh oo la rabo in si cad loo qeexo. Marka la sugo cidda dalkan iska leh ayaa aqoonsiga Muwaaddinka la siinayaa, ka dibna qofkaa Muwaaddinka noqda wuxuu yeelanayaa Xuquuqda ku qeexan Dastuurka. Waxa kale oo fuulayaa Waajibaadka uu Dastuurku saaray oo ay tahay in uu u guto si xeerarka dalka waafaqsan. Arrintu “taysarooyin” ma aha. Waa Xuquuq iyo Waajibaad dastuuriya oo la rabo in la qeexo ciddii qaadan lahayd. Cid kasta oo dalkan xuquuq ku yeelataba, waxa laga rabaa oo ay ku qasban yihiin in ay fuliyaan waajibaadka dalku ku leeyahay. Waa in la hubiyaa in Muwaaddinku aanu yeelan xuquuq keliya oo aan waajibaad dastuuriya lahayn. Labada waa la isku qaadanayaa. Dhammaad Ogeysiis Waxaynu yar hakin doonnaa Taxamahan Hadal-haynta Maalmahan innaga oo cabbaar ku nasan donna Taariikh-nololeedkii iyo curintii fannaankii weynaa ee Feysal Cumar Mushteeg. Waxaynu xus iyo xusuusba uga dhigaynaa sannad-guurada 2aad ee ka soo wareegtay maalintii uu geeriyooday. Haddii ay wax aan la dhaafi karini yimaaddaan meesha kama aan saarin in aan maqaal iyo laba Taxanihii Hadal-haynta Maalmahan ah soo lalin doono, haddii Eebbe idmo. Sidaa raali ku ahaada, akhristayaal Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|