Milatariga Somaliland Oo Ka Hadlay Dilka Abaanduulihii guutada 17-aad Ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Madaxii Hawl galinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Milatariga Somaliland Oo Ka Hadlay Dilka Abaanduulihii guutada 17-aad Ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Madaxii Hawl galinta
September 18, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)-Nin askari ah ayaa toogasho ku dilay Abaanduulihii iyo sarkaalkii hawlgalinta guutada 17aad ee Ciidaanka Qaraka Somaliland oo fadhigeedu ahaa duleedka magaalada Qurulugud.

Sarkaal ka tirsan ciidanka milleteriga Somaliland ayaa BBC-da u sheegay maanta in laba sarkaal oo ka mid ahaa ciidanka Somaliland ee deegaanka Quri-lugud ee gobolka Togdheer ay geeriyoodeen , kadib markii askari ka tirsan ciidanku uu toogtay shalay maqribkii .

Labadaa sarkaal ee geeriyooday oo kala ahaa abaanduulihii Maxamed Yuusuf iyo taliyihii hawlgelinta Jaamac Bidaaree guutada 17aad ee ciidanka , waxaa afhayeenka u hadlay milleterigu uu sheegayaa in la baadhayo sababta dilkaasi . faah-faahin kale lagama bixin dilkaasi .

Sida la sheegay, askariga dilka gaystay, waxa uu u xidhnaa falal la xidhiidha dhinaca dhisibiliinka ciidanka, balse inta uu ka baxsaday goobtii uu ku xidhnaa oo ahayd xerada guutada, ayuu fal toogasho ah ku dilay labada marxuum, kaasoo markii uu hawshaas fuliyey baxsaday, ilaa xalayna aan gacanta lagu dhigin, laguna hawljiro sidii loo soo qaban lahaa

COMMENTS
LINKS