Maxa Inuu Xal Ah Maanta By Mukhtar Cilmi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxa Inuu Xal Ah Maanta By Mukhtar Cilmi.
September 11, 2014 - Written by Wariye:

Saxaafaddu kadib markii ay daaha ka faydeen maamul xumadda xukuuamdda, musuq maasuqeeda iyo ku tumashadda sharciga

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.

Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga ee Hadhwanaag.ca

Iyadoo aanu maqlanay madaxweyne silaanyo oo ku dhawaaqeyay xirsi waa rays wasaari  amba yeela amba diida waxa soo baxay wajiga dhabta ah ee xukuumadda silaanyo baryo dhan qarinaysay, dadaba maxa laga filayay inuu madaxweynahaan iyo xukuumaddiisu qabtaan marki helan doorashaddi ka dib 2010 ??, Silaanyo waxa laga filayay garasiinyo iyo inuu u abaal gudo shacabkii cododka siisay iyo intii u tanaasushayba, waxa laga filayay inuu xurmeeyo shuruucdda dalka u yaala, waxa laga filayay xukuumadd tiro yar oo tayo badan leh ku soo kordhisa somaliland, waxaa laga filayay barnaamij siyaasadeed oo cilmiyeysan oo lagaga gudbi karo duruufaha horyaala dalkeena, waxa laga

filayay inuu gacan qabto xisbiyadda mucaaradka ah si ay u hana qaado dimuqraadiyaddu, wuxuuse la yimid hindise keligii talisnimo ee uu mustaqbalka hiigsanayo in kastoo isago ogyahay cawaaqib xumadeeda laakin ku camal falay,wuxuuna talaabooyin is daba socday oo midba mar lagu eegayey dareenka shacabweynaha iyo u dhega nuglaanshaha awoodda qaranka, maanta madaxweyne silaanyo u ma yaalo hadal iyo qudbad dheer umadda logu  maawelinyo ,waxa hor yaala silaanyo iyo kooxdiisa doorasho shacabku kilmadiisa kaga odhanayo, u so soo diyaari inad waajahdo shacbi xukuumadaada ku mucaarid ah.

Saxaafaddu kadib markii ay daaha ka faydeen maamul xumadda xukuuamdda, musuq maasuqeeda iyo ku tumashadda sharciga ayay waxay xukuumaddu kula kacday xadhig iyo in xafiisyadoodda iridaha loo laabo, sida madaxdda wargeyska Haatuf iyo Hubaal iyo saxafiyiin kale ba oo imika u badan yahay afduub, waxaa intaa dheer in iyadoo warbaahinta Somaliland lahayd xeer ayay cabudhisay warbaahinta madaxa banaan, isago garsoorki noqday mid ku dhex milmay fulin la’aan oo mar walba yes ku odhanaya xukuumadda, xukuumaddani waxay u quudhi weeday maamuus ahaan munaasibadaha diblomaasiyadeed ee heer qaran si loogu muujiyo bulshadda caalamka in loo mideysan qadiyadda Somaliland, wuxuuna shillinku xukuumaddan u noqday hubka loo adeegsado bahdilka bulshaddan baahan.

Maanta dalku wuxuu maraya marxalad xasaasi ah oo dareenkeedda iyo cabsideedda wadata loona baahan yahay in lagu waajaho feejignaan maadaama doorashaddii madaxtooyadda 2015 ay sugayno maadama ay tahay masiirka iyo rajada shacabka isbedel doonka ah,maadaama aanay jirin duruufo dastuuri ku sababaya muddo kordhinta madaxweynaha, isla markaana tahay mid u hiilinaysa cida kursiga ku fadhida ee tartanka lagula jiro, shacabkuna aqbali maayo muddo kordhin madaxtooyadda magac kasta ha loo bixiyee, hadii taaso dhacdona waa in la xukuumad ku meel gaadh ah oo loo dhanyahay dalka ka hirgaliso doorashooyin xor oo xalaal ah.

Khadar2244@hotmail.com

Mukhtar Cilmi

COMMENTS
LINKS