Masuuliyiinta Ugu Saraysa Alshabaab oo Hogaanka Cusub ku Xidhay in uu Fuliyo Afar QODOB. Xasaasiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuuliyiinta Ugu Saraysa Alshabaab oo Hogaanka Cusub ku Xidhay in uu Fuliyo Afar QODOB. Xasaasiya
September 22, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kullan dhex maray Hoggaamiyaha Maleeshiyada Alshabaab iyo Horjoogayaashiisa, ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday is fahan hor dhac ah.

Horjoogayaasha ayaa la Tilmaamayaa inay wakiisheen Fuaad Maxamed Khalaf oo kamid ah culimada Al-Shabaab oo maalmahan waday dadaalo ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafkii uu abuuray hogaamiyihii Mareekanka ay duqeynta ku dileen dhawaantan ee Axmed Godane. Sidoo kale, Fuaad Maxamed Khalaf oo kulama gaar gaar ah la qaatay Mas’uuliyiinta kooxda iyo Saraakiisha ka gadoodsanaa Axmed Godane ayaa waxa uu xiligaani ku guuleystay xalinta qeybo kamid ah qodobadii la isku hayay.

Saraakiisha iyo Culimada taabacsan Maleeshiyada ayaa kulan dheer oo ay la qaateen Hogaanka sare ee Axmed Diiriye u bandhigay shuruudo iyo qodobo ay isleeyihiin waa ay wanaagsantahay in wax weyn laga bedelo, qodobadan ayaa kala ahaa.

• In kooxda Amniyaadka ee ka howlgasha guud ahaan Soomaaliya la hoos keeno qudaadda shareecada Islaamiga oo xukunka islaamka uu qabto lana xaddido dilalka iyo qaraxyada ay maatida ku halaagsamayaan.

• In kitaabka ALLAAH uu ahaado halka lagu xalinayo khilaafaadka daba dheeraaday.

• In guud ahaan xabsiyada laga sii daayo Horjoogayaasha ku xidh xidhan xabsiyada kooxda si shuruud la’aan ah.

• In gudi uu hogaaminayo Sheekh fuaad loo saaro baadi goobka raga howdka ku kala jira ee naftooda kala baxsaday hogaankii hore ee kooxda. Dhanka kale, Axmed Diiriye, ayaa la soo warinayaa inuu soo dhaweeyay shuruudaha, islamarkaana uu aqbalay, waxa uuna Tilmaamay inuu hirgalin doono dhamaan qodobada ay culimada soo bandhigeen shuruud la’aan

COMMENTS
LINKS