Masiibo Qaran !! W/Q: Axmed Naasir Maxamuud ( diirqadhaadh). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masiibo Qaran !! W/Q: Axmed Naasir Maxamuud ( diirqadhaadh).
September 2, 2014 - Written by Wariye:

haddi uu dastuur yahayna waxa kamida shanta qodob ee gundhigga u ah dastuurka soomaaliland qodobka 5aad faqradiisa 2aad oo utaala sida tan

Sida aynu kawada war qabno maalmahan waxa horyaala xubnaha baarlamaanka xeerkii baananka ganacsiga ( baananka ribada ku dhisan ama commercial banks ) waxaana ololihiisa wada dhinacyo kala duwan sida xildhibaano, ganacsato, aqoonyahan, hay’ado…iwm haddi la ansaxiyona noqon doona masiibo qaran.

Su’aasha iswaydiinta leh waxay tahay xildhibaanada sharcigan taageersan maxaa xidhe ama halbeeg u ah ma kitaabka quraanka iyo sunada rasuulka SCW mise dastuurka S/L mise danohooda gaarka ah iyo kolba halka uu shilinku jiro!

haddu diin yahay halbeegoodu waxa laga wada dharagsanyahay mawqifkay ka taagantahay ribada iyo goodiga ku soo arooray aayadaha quraanka iyo axaadiista rasuulka scw.

haddi uu dastuur yahayna waxa kamida shanta qodob ee gundhigga u ah dastuurka soomaaliland qodobka 5aad faqradiisa 2aad oo utaala sida tan

:

2. Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.

Sido kale waxa dastuurka ku jira qodobka 14aad faqradiisa 3aad oo u taala sida tan :

3. Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin.

Iyo qodobo kale oo haddi la sii daba galo muujinaya in aanay baananka ku dhisan ribadu aanay diinta iyo dastuurkuba wafaqsanayn ee ay meesha ku jirto dano gaar ah iyo calool ushaqaysi, waxa inta dheer, burburinta ay u horseedi doonaan baanankaasi dhaqaalaha markiisa horeba taagta daran ee umadda.

Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay dadka u ololeenaya mashruuca baananka ribada ku dhisan haddi ay kitaab iyo sunne idiin qaban wayeen dastuurka aad ku dhaarateen ha idiin qabto, oo diintiina iyo dadnimadiina hasiisanina shilimo iyo dano gaar ah oo kooban, ummadiinana ha u horseedina masiibo qaran iyo aayo xumo ay adagtahay sida looga bogsado haddi kale u diyaar garooba dagaalka alle

W/Q: Axmed Naasir Maxamuud ( diirqadhaadh)

Ahmed12_2@hotmail.com

Facebook: Buraale Hamdan

COMMENTS
LINKS