Maraykanka Oo Sheegay Inuu Weerar Xaga Cirka Ah Ka Fuliyay Gobolka Shabeelada Hoose. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Sheegay Inuu Weerar Xaga Cirka Ah Ka Fuliyay Gobolka Shabeelada Hoose.
September 2, 2014 - Written by Wariye:

Muqdisho(Wajaale News):-)Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhanka cirka ah ciidamad Mareykanka ay ka geysteen gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeynta ayaa la sheegay inay ka dhacday deegaano u dhaxeeya Dhaaytubako iyo Sablaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen saraakiil  sar sare oo ka tirsan Alshabaab.

Mareykanka ayaa sheegtay masuuliyada duqeynta, laakiin wax faahfaahin ah kama uusan bixin qaabka duqeynta ay u dhacday iyo cida ay la eegteen.

Xoghayaha saxaafada Pentagon Mareykanka John Kirby, aya asheegay in qasaaraha ka dhashay duqeyntasi iyo waxyaabaha kasoo kordhaa ay dib kasoo faahfaahin doonaan.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in duqeynta lala eegtay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab, gaar ahaan Hogaamiyaha Al Shabaab iyo Saraakiil kale.

Duqeyntaan ka dhacday Gobalka Shabeelaha hoose ayaa kusoo beegamaysa, xilli shalay magaalada Muqdisho uu soo gaadhay Taliyaha ciidamada Mareykanka ee dalalka Geeska Afrika, oo la kulmay Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS