|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne SIILAANYO Oo Soo Saaray Wareegto Uu Ku Dhaqan Galiyey Ilaalinta Deegaanka
September 6, 2014 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa Wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-2689/092014, ka soo saaray kuna dhaqan geliyey Ilaalinta Deegaanka. Wareegto Madaxweyne Ku: Dhammaan Wasaaraddaha Xarumahooda
Ku: Hay’addaha Madaxa-bannaan ee Dawladda Xarumahooda
Ku: Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka Xarumahooda
Ku: Dawladaha Hoose ee Dalka Xarumahooda
Ku: Ciidammada Kala Duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland Xarumahooda Ujeeddo: Ilaalinta Deegaanka Mudaneyaal iyo Marwooyin, Deegaanku waxa uu saameeyaa bilicda dhulka, fayo-dhawrka caafimaad ee dadka iyo duunyadaba, waxaana waxtarkiisu ku xidhan-yahay hadba Bulshada ku dul nooli sida ay u ilaaliyaan, una daryeelaan, Haddaba:- Markaan Arkay: Qodobka 18aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee u dhigan “Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka Deegaanka oo aasaas u ah caafimaadka Bulshada iyo dhawrista khayraadka Dalka”;
Markaan Arkay: Xeerka Ka-hortagga Xaalufka iyo Nabaad-guurka, Xeer Lr. 4/98;
Markaan Helay: Qoraalka talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga;
Markaan Dersay: Baahidda loo qabo in la xoojiyo gacan ku-haynta Dawladda ee dhul daaqsimeedka, lana horumariyo ilaalinta dhirta iyo daaqa;
Markaan Garawsaday: In ay daruuri tahay in laga hortago waxyeelada ka dhalan karta hadhaaga waxyaabaha loo adeegsado nolol maalmeedka iyo qashinka warshadaha;
Markaan Tixgeliyey, Kaalinta Xukuumadda ee ah in ay mas’uul ka tahay baabiinta dhulka gaarka loo ootay ee dhul-daaqsimeedka, dib u soo celinta maagii kala xadayn jiray dhul daaqsimeedka iyo dhul beereedka, isla markaana dib loo sameeyo seerayaashii daaqa iyo kuwo cusub.
Haddaba, waxaan farayaa Hay’adaha Dawlaladda ee qoraalkani khuseeyo in ay si wada jir ah uga hawlgalaan fulinta wareegtadan, una gutaan xilka ay xeerarka dalku sareen.
Dhinaca kale, waxaan ugu baaqayaa Bulsho weynta Somaliland inay hawshan ilaalinta deegaanka doorkooda ka qaataan, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee arrintan ku hawlan. ALLAA MAHAD LEH Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Related posts:Somaliland Oo Kaalinta 13-aad Ka Gashay Sahamin Lagu Sameeyey 44 Waddan Oo Afrika Ah. Warbixin Xiiso... Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo Soo xidhay Tartankii Kubada Cagta bisha Ramadaan ee garoonka Ha... Safiirka Somaliland U fadhida Waddanka Filand Samiya Muuse Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynihii Horee Wa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|