|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Qasriga Madaxtoyada Kula kulmay Ururadda Bulshada iyo Bahda Waxbarashada,
September 17, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Shirar kala Duwan la yeeshay Ururada Bulshada (civil society) iyo Bahda Waxbarashada. shirarkaasi kala duwan oo maanta ka socday qasriga madaxtooyada gaar ahaan Hoolka weyne ee galaha wasiirada waxa ujeedadiisu ahayd sidii laysuna meel dhigi lahaa waxna looga ogaan lahaa qaabka Diwaangelintu u dhacayso iyada oo Gudidada Farsamada ee Diwaangelinta iyo Shirkada Sahan eek u guulaysatay Diwaangelinta Muwaadinkuba ay goob-joog ka ahaayeen shirarkan kuna soo bandhigeen qaabka iyo habka uu u shaqan doono Agabkani. Waxaana isla joobtaasi lagu diwaangeliyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali maxamed Warancade oo isagu noqday Shaqsigii ugu horeeyey ee maanta isu diwaangeliya Diwaan-gelinta muwaadinka ama qaata Kaadhka Aqoonsiga muwaadinka sidoo kalena waxa ku xigay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Somaliland mudane Maxamed Muuse Abees oo isna qofka labaad noqday ee qaata kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka Somalilander ka ah.
Related posts:DAAWO: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Qaadashada Kaadhka Codbixinta Oo Ka Bilaabmatay Gob... Madaxweynuhu Bal Ha Sheego 46-kii Wasiir Magacyadooda, Ma Sheegi Karo??..Haddii aanu Waddankan Wadi ... Mujaahid Cali Gurey oo Khilaafka Xisbiga UCID ku Tilmaamay Mid Cid Gaar ahi Ugu Shaqeynayso Xisbiyad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|