Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Miisaaniyad Sanadeedka 2015-ka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Miisaaniyad Sanadeedka 2015-ka
September 15, 2014 - Written by Wariye:

madaxwayne siraanyoHargeysa(Wajaale News):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay in Mashaariic horumarineed ku jirto Miisaaniyadda sanadka 2015-ka oo dhawaan golaha wakiiladu ansixiyey.

“Golaha Wasiirradu waxay ansixiyeen miisaaniyadda sannadka 2015, waxana ku jira mashaariic dhinaca horumarka ah, dhismayaasha waddooyinka, adeegyada caafimaadka iyo Doorashooyinka dhamaantoodba way ku jiraan” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi qoraal uu ku baahiyey Boggiisa Twitter-ka.

Odoros Miisaaniyadeedka 2015 ayaa sida uu dhawaan sheegay Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale waxay  dhan tahay $251,300,000 doollar (laba boqol, konton iyo kow milyan, saddex boqol oo kun), waxaanay u kala baxaysaa saddex qaybood oo kala ah; $180 milyan oo miisaaniyadda dawladda dhexe ah, $27 milyan oo dawladaha hoose ah iyo $29 milyan oo ah miisaaniyadda hay’adaha madaxbannaan, kuwaasoo ay ku jirto lacag dhan $14 milyan oo deeqaha Somaliland hesho ah.

Golaha wakiilada ayaa dhawaan loo gudbin doonaa Miisaaniyadda si ay uga doodaan islamarkaana u ansixiyaan.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS