Madaxweynaha oo ka qaybgalay Xaflada Qalinjebinta Ardayda Jaamacada Admas University ‘ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha oo ka qaybgalay Xaflada Qalinjebinta Ardayda Jaamacada Admas University ‘
September 9, 2014 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Admas University of Hargeysa oo uu madaxweynuhu sanadkii labaad oo xidhiidh ah ka qaybgalay sanad guurada Ardayda Jaamacada Admas, Xafladan oo ahayd Dufcadii 6aad ee Jaamacadan ka qalinjebisa ayey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada Admas ku qabteen Hotel Mansor Hargeysa.

DSC_0038(1)DSC_0065DSC_0273DSC_0160DSC_0160 DSC_0048

waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiinta Qaranka oo uu hormuud ka ahaa Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland, Saddexda Xisbiyada Qaranka, Safaarada Ethiopia ee Somaliland ka Furan, Maamulka Jaamacada Admas ee Dalka Ethiopia oo Sanad walba sixidhiidha uga soo qaybgala xafladaha Qalinjebinta Ardayda iyo Waalidiinta Ardaydii mudada wax soo baranaysay.

waxa xusid gaara mudan oo maanta Shahaado Sharaf aad u qiimo badan oo Maamulka Jaamacada ay ugu talo galeen Odayga Qaranka Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi waraabe) oo uu madaxweynuhu gudoonsiiyey shahaadadaasi iyada oo jaamacaduna xaajiga ku maamuustay inay ugu magac daridoonaan scholarships-kii ay bixin jireen markii hore ay hada ugu magac dareen Scholarshipka Xaaji Cabdi.

intaasi ka dib waxa xaflada soo xidhay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Ardaydii ugu saraysay Jaamcada Gudoonsiiyey Shahaado sharaf iyo Weliba Ardaygii kaalinta koowaad ka galay guud ahaan faculty-yada Jaamacada oo uu madaxweynuhu gacanta ka saaray Koob ay jaamacadu sanad walba bixiso

COMMENTS
LINKS