|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl oo SI Adag uga Hadlay Haldalkii Xasan sh .Midnimadii Somalia way fashilantay diyaarna uma nihin Midow dambe –
September 29, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews);Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in aanay diyaar u ahayn midnimo Soomaali weyn, isla markaana ay hore u usoo tijaabiyaan. Sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu madaxweynuhu maanta ka qaybgallay Dufcaddii 11-aad ee Arday ka qalinjabisay jaamacadda Hargeysa, waxaanu fariin u diray madaxweynaha Soomaaliya iyo beesha caalamka uu ku sheegayo in aanay Somaliland marna dib ugu noqon doonin Soomaaliya. Munaasibadan balaadhan ayaa loo sameeyey 793 arday oo ka qalinjabiyey jaamacadda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgallay ardaydii qalinjabinaysay, waalidiintooddii, madaxdii iyo maamulkii jaamacadda iyo marti sharaf badan. Madaxweynaha Jaamacadda Prof:Cabdi Xuseen Gaas ayaa sharaxaad kooban ka bixiyey heerka ay jaamacaddu marayso, isla markaanka tilmaamay inuu wax badan ku soo kordhiyey jaamacadda, isagoo ilaahay uga baryey janaddii ka waraabiyo qaar ka mid ah gudoomiyeyaashii soo maray jaamacadda iyo macalimiintooddii oo qaar ka mid ahi geeriyoodeen. Intaas kaddib, madaxweynaha Somaliland ayaa ardayda u hambalyeeyey qalinjabintoodda, isagoo u rajeeyey guul iyo barwaaqo inay gaadhaan. “Sanadkan waxaan qalin-jebintooda ka qaybgalay in ka badan 4,000 oo arday welina way socdaan, taasi waxay daliil u tahay kobaca aqooneed iyo kaalinta ay dhalinyaradu ku leeyihiin Bulshada oo aad u saraysa, waxaa lagu qiyaasaa da’yarta Somaliland inay ka badan yihiin %60, taas oo muujinaysa in dalkani uu leeyahay mustaqbal fiican.”ayuuu yidhi madaxweynuhu Waxaanu intaas ku daray “Waxa hubaal ah in dhalinyaradu u baahan yihiin shaqooyin iyo nolol fiican, balse waxa lagu gaadhi karaa dedaalka iyo barashada cilmiga oo aan laga hadhin, sabir iyo is-kaashi waxaanan ku kalsoonahay in dadka reer Somaliland leeyahay hal-abuur iyo himilo fiican oo ay ku gaadhaan horumar”. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu jawaab ka bixiyey hadalo ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxaanu sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya dunidda u gudbinayo warar khaldan iyo midnimo aan jirin.
“Waxaan leeyahay Somaliland waa Qaran madax-bannaan oo dadkiisu tashadeen waxayna rabitaankooda ku dhisteen dawlad iyagoo codkooda 97% ku-meel-mariyay dastuurka iyo jiritaankooda Somaliland,” ayuu yiri Siilaanyo. Mar uu ka hadlayey midnimo jirta inaanay jirin iyo wax dib loogu noqonayo Somalia isagoo yiri. “Midnimadii Somalia waatii fashilantay, diyaarna uma-nihin durbaanka Somali-weyn, dadkaygu waxay diyaar u yihiin inay dhiiggooda u daadiyaan cid kasta oo xuduudaheenna kusoo xadguduhiisa, baddiisa iyo cirkiisa. Waxay dawladda Soomaaliya u muuqataa inaanay ixtiraamayn wixii aanu ku heshiinay, kana warwareegayso miiskii wada hadallada, waxaanu weli idiinku baaqaynaa miiska wada hadalada si aynu u kala baxno.” “Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay garwaaqsadaan xaqiiqada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa inay caawiyaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana-qaaday dalkan, waa noo muhiim doorashooyinku waanan soo dhawaynaynaa doorka ay ka qaataan deeq-bixiyayaashu.”ayuu ku soo xidhay. – Related posts:URURKA SOLJA OO SOO SAARAY WARBIXINTII 6da BILOOD EE HORE SANADKAN 2013 TACADIYADII IYO CAGAJUGLAYNT... Xildhibaan Indho Indho Oo Dhaliilay Gudida Doorashooyinka, Fariina U Diray Madaxweynaha Somaliland Daawo:Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Guryo Loo Dhisayo Dadka Danyarta ah ee ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|