Maayar Soltelcoy Arradna Waa Dan Uskagna Waa Doqoniimo, Qore:Mohamed Osman Hassan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayar Soltelcoy Arradna Waa Dan Uskagna Waa Doqoniimo, Qore:Mohamed Osman Hassan.
September 18, 2014 - Written by Wariye:

hargaysa waxaan odhan karaa waa caasimad nasiim daran wali hargaysa nasiim uma helin maayar daacad ah karti badan maamul yaqaan ah la jaanqaada baaxada

hargaysa waxaan odhan karaa waa caasimad nasiim daran wali hargaysa nasiim uma helin maayar daacad ah karti badan maamul yaqaan ah la jaanqaada baaxada iyo heerka kororka dadka iyo gaadidka ama isbedelada  ku imanaaya caasimada.

waa iska aduun iyo xaalkii e inkasta oo ay hargaysa kala midtahay maamul xumida iyo isku dhexyaacsanaanta magaalooyinka kale ee somaliland hadana iyada waxaa usii dheer in la hafray oo la yidhi caasimad ayaadtahay iyada oo aan ciddii ka dhigi lahayna loodooran ama aanay nasiim u helin inay hesho masuul waxay ku magacaabantahay ama ay hargaysi higsanayso u rumeeya

meelkasta oo aad eegto  xaafadaha,  suuqa ama dayrarka schoolada iyo meel allah meeshii aad eegtoba waxaa

toonsan xashiishka iyo gudaafada iyo urta ay samaynayaan  xashiishkaasi waliba xiliyadan xiliroobaadyada .

waxaa kaaga daran meelaha laamiyada ah ee aadka u jajaban ama boholaha noqday oo xiliyada roobka ay biyo fadhiistaan oo cid allah cid mari karaysaa aanay jirinba

waxaa ka daran marka aanu roob jirina waa wada dhas iyo wada boodh oo waxaad moodaa in aad meel geelku galgalimaystay jogto

hadii hayska boodh iyo dhiiqo waynaatee meel aad martaa jirto uun waxba may ahaateen ee meelkasta oo jid ah waxaa ugu yaraan 5mitir soo galay ganacsi yaryar ama kabadh qaad ha ahaado ama kaariyoon ha ahaado alaab lagu iibinaayo ama meherad yar oo ganacsi ha ahaato ee meelkasta oo jid ah ugu yaraan 5mitir waa goantahay

dadka iyo baabuurtu dheega ayay isku hayaan hadii aad lugayso kuu daran oo waxaad is odhanaysaa gaadhi uunbaa ku jiidhi hadii aad gaadhi kaxaysatana kasii garanba oo waxaad is odhanaysaa walle maanta qof uunbaad jiidhi sida aad u taagantahay ama taayirka uun aad u rogayso ayaa waqtigu kaa dhamaanayaa sina kuma wanaagsana hadaba

waxaan is waydiiyaa ama qofkastaa is waydiin karaa .

maayarka caasimdu miyaanu horta magaalada joogin taas ayaad horta naftaada kula murmaysaa oo marmar ayaad is odhanaysaa maya ee malaa ma jogo markaasaad hadana isugu jawaabaysaa adiga oo naftaada la hadlaaya sowtuu shalay ama daraad ama maalin dhawayd xafladka qayb galay ama madaxwaynaha oo lasoo dhawaynaayo  ka qaybqaadanaayay ee sawirkiisa aad tvga ama warbaahinta ku arkaysay walaahay waa runtaa oo hadaa miyaanu talow masuuliyada saaran garanayn

waar malaa gaadhi ayaanu wadanba ama gurigiisa ayaan ku dhex oolin xaafadaha qashinku buuxiyay oo ninku mageelo kale ayuu u hoydaa dee bal adba garo meesha wax ka xumaadeen

hadii maayarka loogu cudur daari lahaa lacag iyo dha qaale buuran ayaanu hayn oo waxan uu ku fuliyo, maya ee taasi cudur daar ma noqonayso waayo bilicda magaalada iyo nadaamkeedu maamul iyo karti ayay u baahantahay ee uma baahna lacag badan iyo kharashbadan

ma xashiishka meelkasta yaala ayaa u baahan kharash badan iyo lacag badan waa maya jawaabtu

ma laamiyada wada balliyada noqday ee meelkasta biyuhu fadhiyaan ayaa u baahan lacag buuran maya ee kabkab iyo buuxbuuxin yar ayay u baahanyihin.waliba ku darsoo dadka hadii la abaabulo waxbadan dadka ayaa ka qaybqaadan lahaa oo u diyaar ah inay ka qaybqaataan dhismaha dalkooda

hargaysa waxaan odhan karaa waa caasimad nasiim daran wali hargaysa nasiim uma helin maayar daacad ah karti badan maamul yaqaan ah la jaanqaada baaxada iyo heerka kororka dadka iyo gaadidka ama isbedelada  ku imanaaya caasimada.

mudane maayar arradna waa dan uskagana waa doqoniimo ee toos toos

Qore:Mohamed Osman Hassan 0634485262

maxamed.wali1985@gmail.com/ admas university

COMMENTS
LINKS