“Maalin Walba Intaas Oo Arday Baa Qalin Jabinaysa Madaxweynuhuna U Khudbadaynayaa, Madaxweynuhu Wuxuu Makhraati Ka yahay Inta Tahriibaysa” Xildhibaan Bashiir Tukaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maalin Walba Intaas Oo Arday Baa Qalin Jabinaysa Madaxweynuhuna U Khudbadaynayaa, Madaxweynuhu Wuxuu Makhraati Ka yahay Inta Tahriibaysa” Xildhibaan Bashiir Tukaale
September 10, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inaanu shaqo abuur iyo jawi Ardayda Jaamacaddaha ka qalin jabinaysa ka baajiya tahriib u samayn islamarkaana uu makhraati ka yahay kolba inta Jaamacaddaha ka baxda ee Tahriibaysa.

“ Maalin walba waxaa qalin jabinaysa intaas oo Arday, Madaxweynihiina wuu u khudbadaynayaa. Madaxweynuhu waxa uu makhraati mar walba ka noqonayaa inta Tahriibaysa ee Tahriibi doonta ayuu maalin walba goob joog ka yahay. Waayo? Dee wax camal ah oo uu u hayo ama u abuuray ma jirto.Masuuliyadduna isagay saaran tahay inuu Umaddaa soo baxaysa ee Jaamacaddaha ka soo baxaysa uu Camal u sameeyo laakiin, hadii uu maalin walba 400 baa qalin jabisay afartuna tahriibayaan ma tahriibtuu makhraati ka yahay” ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Shalay iyo maantaba ka qayb galay xaflado Arday tiro badani kaga qalin jabinayso Jaamacaddaha dalka gaar ahaana ku gaarka loo leeyahay. Caqabadaha ay wajahayaan ardayda Qalin jabinaysa ayaa ah Shaqo la’aan.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS