Ma Raysal Wasaare Ayaynu Leenahay??? Qoraa:-Xuseen siyaad cilmi {mataan} | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Raysal Wasaare Ayaynu Leenahay??? Qoraa:-Xuseen siyaad cilmi {mataan}
September 16, 2014 - Written by Editor:

Sideedaba Somaliland waxay soo martay marxalado farabadan oo ilaa maanta ay dadkeedu ay ku nool yihiin nabad iyo barwaaqo una soo samray wixii dhib ka soo gaadhay colaadihii kala duwanaa ee soo maray , waxayna dadkeedu marna ilawi doonin wixii ay u soo hureen dalka jamuuriyada Somaliland intaa kadib marka laga imaado Somaliland waxaa soo maray afar madax weyne oo uu ilaa kan hada talada dalka hayaa uu ku jiro, ilaa maanta ilaa markii ay madaxbanaanida Somaliland lagu dhawaqay waxay Somaliland buuxisay wixii dal looga baahnaa ama la odhan lahaa waa dalbuuxa ama wa qaran taama , Akhriste maxaa lagu garan karaa dawlad ama qaran buuxa? waa in uu lahaadaa calan, tastuur, ciidan milatari ,lacag u gaara, xuduudaha ay badanaa dalka jaaka ahi ay wadaagaan ,baasaaboor,iyo waliba madexweyne iyo gole baarlaman oo shrci ah , hadaba inagoo halkan ku soo koobi karaynin waxay soomaaliland ay soo martay ayaa shicibka mudooyinkan danbe ay dhagahooda ku soo dhacday Erayga {wasiirka wasiirada} oo hadal haynta iyo Eraygaa ka sheekayntiisu ay cirka isku shareertay waxaad arkaysaa oo aad maqlaysaa iyadoo goobaha dadku badanaa iskugu imaadaan lagaga sheekaynayo wasiirka wasiirada oo maalmo dhaweyd ka soo yeedhay madexweynaha.

Mucaardka ayaa arinkaas ku dhaliilay oo ay siyaabo kala duwan uga hadlay hore loogama aqoon wasiirka wasaarada oo macne ahaan u dhiganta amaba loo yaqaan raysal wasaare , may yeelan oo lagama aqoon raysal wasaare ayaa ay Somaliland intii ay jirtay ay yeelatay laakiin waxa sifo sharciya lagu soo dooratay oo dalka iyo dadkaba lagu ogyahay inay somalilnd ay leedahay madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen Akhriste halkuu ka imiday raysal wasaaharaha hada lagu dhawaaqay se halkee ayuu sharciga tastuurka kaga yaalaa dalku waxa uu leeyahay tastuur???

Xukuumad talda dalka haysa ee madaxweyne siiraanyo gadhwadeenka ka yahay ayaa waxay marba marka ka danbaysa la imanaysaa sifo sharci daro ah oo kaladuwan oo dadweynaha muran baahsan ka dhex dhaliya oo marba goob lagaga sheekaynayaa, markii ugu horaysay maaha ee dadwaynuhu muran ay ka dhex dhaliso dawladani , waxayaabo kala duwan ayaa dadka isku biirbiirsaday waliba maanta oo ay maqleen wasiirka wasiirada muran intee leeg ayaa ka dhex alawsan ayaa loo malaynayaa se ma raysal wasaare ayaan leenahay???

 

Qoraa:-Xuseen siyaad cilmi {mataan}

peac143@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS