Kuwa Mucaaradadda ka deyaya diiwaangelinta ee ku hadlaya afka axsaabta waxan leeyahay…”Badhasaabka Sanaag | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kuwa Mucaaradadda ka deyaya diiwaangelinta ee ku hadlaya afka axsaabta waxan leeyahay…”Badhasaabka Sanaag
September 14, 2014 - Written by Editor:

Ceerigaabo(Wajaalenews) Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” oo muddo dhawr toddobaad safar shaqo ugu maqnaa dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa kaddib hal habeen kahor oo uu dib ugu laabtay magaala madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo Wuxu waraysi gaar ah oo uu siiyey Wargeyskan Waaheen kaga hadlay Diiwaangelinta Medeniga ah ee beryhan murankeedu ka dhex aloosnaa xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka ah. Isagoo arrintaas ka hadlayana wuxu yidhi  “Diiwaangelinta runtii waxan u arkaa dawladdu waajib ay lahayd inay fulinayso waxanan aad ugu qanacsanahay mashruucani inuu fulo annagu shaqadii waan bilaabaynaa sidii aan soo qaadannay gobollada ayaa hawshii ka mas’uul ah waxanan rajaynayaa gobolkaygu waa kan ugu ballaadhane in qorshihii aannu gudbinney iyo kuwii wasaaradda oo guddida farsamadu ay soo gaadheen inuu nagu filnaan doono dawladdana aan ku dhiirri gelinayo go’aankeeda inay fuliso cidna aanay uga hamran mucaaid iyo muxaafid toonna”

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Runtii waxan aad uga xumahay kuwa dadka jaha wareerinaya ee wixii wax aanay ahayn ugu sheegayaa waar waa aqoonsi waxan la qaadanayaa qofkuna hadduu muwaaddin yahay waa inuu taysaradiisa sitaa aqoonsina qof kastoo Somaliland ahi wuu u baahan yahay si aynu isaga soocno ciddii kale ee aan xaqa muwaaddinka lahayn waayo qofku caafimaad tegi kari mayo boliisna uma dacwoon karayo xuquuq muwaaddinna ma helayo ilaa uu taysarihiisa qaato”

Isagoo la hadlaya axsaabta mucaaridka ahna wuxu yidhi “Kuwa mucaaradadda ka deyaya ee ku hadlaya afka axsaabta qaranka waxan leeyahay meelo badan oo mucaaradaddu idiinka furan tahay ayaa jirta oo aydin tilmaami kari lahaydeen dhalliilaha dawladda iyo meelaha u baahan toosinta laakiin ma aha waxqabadkii hub inaad ka dhigataan oo tidhaahdaan waannu qaaddacnay waayo waa waajib ku saarnaan lahaa oo lagaasii qabtay haddii nasiibkaagu ku keeni lahaa waajibkuna dawladda ayuu saaran yahay siduu gobollada uga fuli lahaa  waxanan ballan qaadayaa inaannu fulinno ummaddana sida saxda ah ugu sheegno”.

Ugu danbayntiina Badhasaab Ramaax Isagoo baaq u diraya madax-dhaqameedyada iyo beelahana wuxu yidhi “Waxan kaloo runtii halkan uga baaqi lahaa kuwa beelaha magacooda yidhaahda waannu ka hadalnaa ee iyaguna wax aan qiimo lahayn runtii qiimo u yeelaya ee had iyo jeer ku baaqa reer hebel baa sanaadduuq lagu yareeyey waxan leeyahay waar reer hebel dawladdaa ka mas’uul ah dawladdii baana mas’uuliyaddii saaan tahay inay dadka u fududayso siday u gaadhi lahaayeen waxan odhan lahaa degmo kasta ama gobol kastaba ha noqotee in dadweynuhu ka waantoobo oo kala garto hawsha ay leedahay dawladdu iyo hawsha ay leeyihiin odayaasha beelaha ama reeraha ee had iyo jeer sida qaldan ugu dooda”

 

COMMENTS
LINKS