|
|||||
WAJAALE NEWS
Kala maan: Madaxwayne Siilaanyo oo u Dabaaldagaya Meherka Gabadh Uu Dhalay + Ciidamadda Qaranka iyo Qaybo kamida bulshada oo u fadhiya tacsida 2 Sarkaal
September 18, 2014 - Written by Editor:‘Madaxweynaha Iyo Beeshiisa Oo Aan Ilaa Imika aanka hadal falka ay u gaysteen 2da sarkaal ee kasoo jeeda galbeedka dalka iyo guuxa degmooyinkoodii ka jira.HARGEISA(Wajaalenews0;Waxaa habeenkii xalay ahaa ku habsatay Ciidanka Qaranka Somaliland arrin ugub ku ah ciidamada iyo dalka Somaliland, taasi oo askari ka mida ciidamo dhawan la qarameeyay oo ay Madaxwayne Siilaanyo isku beel yihiin uu dil toogasha ah kula ka kacay laba sarkaal oo ahaa maamulkii guutada 17aad ee Ciidamadda Qaranka oo fadhigoodu yahay tuulada Qorilugud
Hadaba falkan ayaan Madaxwayne Siilaanyo gabi ahaanba aan ka hadal isagoo xataa kala masuugay tacsidii Labadan sarkaal ayaa ah kuwo qaranka ka baxay Ciidamadda Qaranka iyo eheladii ay ka baxeen marxuumiintani taasi oo bulshada reer Somaliland ku noqotay af kala qaad Madaxwayne Siilaanyo iyo Qasriga dalka looga taliyo ayaa maalmahan ku mashquulsanaa agaasinka meherka gabadh uu dhalay Siilaanyo oo isla qasriga lagu kala guddoomay, iyadoo laga mashquulay hawlihii qaranka, kharashka ku baxaya ayaa dadka wax qiimeeyaa ku qiyaaseen hanti faro badan’ Gabadh uu Dhaley Madaxweyne Siilaanyo Oo Caawa lagu Bixinayo Xarunta Madaxtooyada Kharashka ku Baxay oo kor u dhaafaya Boqol Kun Oo Doolar iyo Faaqidaad Arintaasi oo Hargeisa Guux ka Abuurtay. Waxaana mid layaab ah in hantidii umada lagu burburiyo wax aan ku munaasib ahayn Wiilka la siinayo Gabadha uu madaxweynuhu dhalay ayaa la jufo ah madaxweynaha, waxaanu noqonayaa Meherkii ugu horeeyey ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu qasriga Madaxtooyada isugu guuriyo Gabadh uu dhalay iyo wiil ay isku beel yihiin. Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Somaliland Rabbi Naxariistii Janno ha ka waraabiyee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa laba xafladood oo aroos ah ku kala maamuusay Wasiir Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, iyadoo bulshada reer Somaliland ay aad isu weydiinaysa qaabka loogu maamuusay Qasriga Madaxtooyada lammaanahan. Si kastaba ha ahaatee Meherka Gabadha uu dhalay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka duwan labadaas munaasibadood ee hore loogu qabtay Madaxtooyada, waa markii ugu horreysay taariikhda Somaliland ee madaxwayne Somaliland ah gabadhiisa ku bixiyo qasriga madaxtooyadda Somaliland Taas oo si Wayn loo Sugayey, siyaabo kala duwana loogu faaqidayo Goobaha Fadhi ku Dirirka.
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|