Jawigii Maanta ee Gollaha Wakiilada, Dhoola ka Qosolkii Cirro iyo Wajigabixii Xildhibaanada Muxaafidka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jawigii Maanta ee Gollaha Wakiilada, Dhoola ka Qosolkii Cirro iyo Wajigabixii Xildhibaanada Muxaafidka.
September 13, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Fadhigii Saaka ee Golaha Wakiilada ayaa waxa ka dhacay dhacdo la yaableh ka Dib markii Guddoomiye Ku-xigeenada Kowaad iyo Labbad oo fadhigaasi Shirguddoominayeen ay xildhibaanada u qaybiyeen Xeerka Diwaangalin oo dhawan gollaha la horkeenay, inkasta oo aanu Buuxin koromku ayaa hadda si dhakhso ah loo furay fadhigaasi, waxana xildhibaanada Muxaafidku ay ku doodayeen in Duudub lagu ansixiyo Xeerkasi iyada oo Xildhibaanada kalena ku doodayeen in la soo akhriyo, xaaladu markii ay halkaasi ay maraysay ayaa waxa meesha ka dhacay Buuq iyo sawaxan keenay in muddo Goluhu Gallo muran.

Muddo yar kadib ayaa waxa albaabka ka soo gallay Guddoomiyaha Golaha wakiilada oo safar ugu maqnaa dalka Imaraadka carab oo uu shir kaga qaybgalayey Guddoomiyaha ayaa isla saacadu yimid waxa uu ka qaybgalay fadhigaasi oo markii hore uu Shirguddoomiyey Guddomiye Kuxigeenkiisa Beeshe, isaga oo dhegeystay murankii ka taagnaa Xeerka Diwaangalinta ee Saaka loo qaybiyey, Guddoomiyaha ayaa waxa uu isla markiiba ku dhawaaqay in xeerku gollaha uu hor oolidoono kadibna loo yeedhidoono Guddida Doorashooyinka qaranka si ay uga hadlan xeerkan oo ah mid muran baddan ka taagnaa muddooyinkii ugu danbeyey, wax akale oo Cirro uu sheegay in xeerkan uu ka Buuxo khaldaad badan loona bahan yahay in Komishanka lagga wareeysto, sidasuna Guddoomiye Cirro ku xidhay gollaha.

Intaasi markii ay dhacday aya Xildhibaanada Muxaafidku ku dhawaaqeen hal ku dhigayo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gooluhu waxa uu sameyey Inqilaab aan dhiig ku daadan iyaga oo isla markiiba madaxtooyada oo xeerkan dabbada ka riixaysay isku shubay.

Dhawaan ayey ahayd markii Xisbiyada Mucaaridku Qaadaceen Diwaangalinta Madaniga ah waxanay u muuqada in mucaaridku gollaha ka bilaabeen oolole ay kaga hortagyaan xeerkasi in la ansixiyo.

 

COMMENTS
LINKS