Hoheey Noloshaydii Seegay!!. Qalinkii Nada Yuusuf Cumar – | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoheey Noloshaydii Seegay!!. Qalinkii Nada Yuusuf Cumar –
September 7, 2014 - Written by Editor:

Waa Sagaalkii habeennimo, magaalada ayuu cabbaar soo marmaray isga oo caagaddiisii yarayd ee caddaanka ahaydna afka ku wata

Waxa uu gashan yahay shaadh dhinacyada ka jeex jeexan oo lIIliiddo casaan iyo madaw ah leh iyo Surwal jiimis ah oo jilbaha u taagan, midabkiisuna yahay Buluug. Timuhu way ku bexeen, midabkiisa oo marriin ahaana hadda uu is badalay oo waa caweef basiirad ah oo madaw ku ladhan yahay.

Waa Sagaalkii habeennimo, magaalada ayuu cabbaar soo marmaray isga oo caagaddiisii yarayd ee caddaanka ahaydna afka ku wata. Kadib ayuu iska soo luuday si uu iskaga seexdo meeshii yarayd ee uu iskala qabsaday seexashadeeda. Saqdii dhexe isaga oo ku jira hurdo aad u macaan, iska riyoonaaya oo aan adduunkanba joogin ayaa laga dhex galay oo sidani ku dhacday. Cirkii buluugga ahaa saacado ka hor, ayuunbaa isku badalay madaw iyo daruur

roobaaad. Afarta jihaba waxa iska soo qabsaday mahiigaan baaxad wayn. Onkodka iyo Hillaacuna way is waydaaranayaan.

Roobkan is qabsaday dadbuu badhaadhahoodd yahay, basiiradda iyo abaartana ka biinayaa. Laakiin Cabdi yare waa u cadaw. Hoy uu ka galo iyo hooyo ka qarisa midna ma haysto. Ciiddu weheshadaa iyana daadbaa buqda haya. Cirkuu daawadaa roobka ka da’aaya. Baro iyo Bayt kalena male.

Wax uu hillaacaaba hadduu barta Saaray Bartii uu jiifay Cabdi yare. Shagagax!!!! Dabayl roobka ka horraysay ayaa markiiba Bacyar oo madaw oo uu huwanaa la boodday. Waxa uu ka cay isaga oo qadh-qadhaaya oo ilkaha isku garaacaya. XAAX!! daadkiina waxa uu qaatay Kartoonkii uu ku jiifay, kabo dacasa oo kala kaana oo uu xidhnaa iyo Caagaddiisii yarayd.

Wax uu sameeyo ayuu garan waayay, uu ciil oo yay oo uu ciil iyo cadho dibinta ruugay. Cid la’oydana ma haysto. Roobkii iska da’ waxa uu ka baqayaa in uu daadku qaato. ciilkii iyo cadhadii ka buuxsamay ayaa ka yeedhsiiyay

Hoheey noloshaydii seegay

Hoheey Naftaydii illaabay

Hoheey Damiirkaygii Galaaftay

Hoheey talo iga habowday

Hoheey xaggeen u ciirsan

Hoheey iyo Hoyeey noloshayii Meeday.

Cabdi yare da’diisu waa 14 jir. Lamoodo duq cimri goys ah. Dadka iyo dugaaguna waa iskugu mid noloshana waxa uu ka yaqaan dooxa uu seexdo iyo caagada uu xabagta ka cabbo.

 

Nada Yuusuf Cumar

© Bahda Hiil Qalin

hiilqallin@outlook.com

COMMENTS
LINKS