Hayada Wadaniga Ah ee PENHA OO Kulan La Yeelatay Maamulka Iyo Dadwaynaha Ku Dhaqan Magaalada Arabsiyo . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hayada Wadaniga Ah ee PENHA OO Kulan La Yeelatay Maamulka Iyo Dadwaynaha Ku Dhaqan Magaalada Arabsiyo .
September 24, 2014 - Written by Editor:

Arabsiyo -(Wajaalenews)- Kulan Is Barasho Oo Ay Hayada Wadaniga Ah Ee PENHA Ay La Yeelatay Maamulka Iyo Bulshada Ku Dhaqan Magaalaa Arabsiyo Kulankaas Oo Lagaga Wada Hadlayay Sidii Wax Looga Qabanlahaa Geedka Garanwaaga Oo Farabaas Ku Haya Magaalada Arabsiyo Kaas Oo Ay Sheegeen Inay Hore Uga Wada Hadleen Wasiirka Degaanka Sidii Ay Iskaga Kaashan Lahaayeen Hayadan PENHA Iyo Bulshada Somali Land Ayaa Ugu Horayn Waxa Halkaa Ka Hadlay Gudoomiyaha Magaalada Arabsiyo Cabdillaahi Cabdi Faarax Isagoo Sheegay Ka Maamul Ahaan Inay Soo Dhawayanayaan Cid Kasta Oo Wax Kala Qabanaysa  Kana Dhawaajiayay Inay Hore Ugu Hawlanaayeen Ururka Mutdawac Ah Oo Reer Arabsiyo Ah Kaasoo Waxbadan Ka Qabtay Aananu Ku Faraxsanahay In La Iskaashado Sidii Garanwaaga Loo Xakamayn Lahaa Dhanka Kale Isna Waxa Halkaa Ka Hadlay Madaxa Mashaariicda Ee PENHA Amsale Ashibeshi Oo Sheegtay Inay Ku Faraxsantahay Sidii Wanaagsan Ee Ay Ugu Dhiiranyihiin Bulshada Reer Arabsiyo Inay Wax Qabsadaan Iyadoo Sheegtay Inay Samayndoonaan Sidii Loo Hirgalin Lahaa Mashiin Lagu Shiido Geedkan Garanwaaga Kaasoo Noqonaya In Si Kalana Looga Faaidaysan Karo Geedka Garanwaaga Isku Soo Wada Duuboo Bulshada Reer Arabsiyo Ayaa Khaati Ka Joogta Geedka Garanwaaga, Kaasoo Noqonaya Geed Gu’ Iyo Jiilaal Aan Kala Lahayn Kaasoo Xooluhuna Sii Baahiyaan Ayaa Waxa Wax Lagu Farxo Noqonaya Hayadan Wadaniga Ah Ee Ka Dhiidhiday Sidii Wax Uga Qaban LahaydGeedka Garanwaaga.

SAM_0152 SAM_0153 SAM_0154 SAM_0155 SAM_0156 SAM_0157

COMMENTS
LINKS