GUURTIDU MA SHAAMBADDII XIRSIBAA? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GUURTIDU MA SHAAMBADDII XIRSIBAA?
September 30, 2014 - Written by Editor:

Waxa jira dhaq-dhaqaaq ay Madaxtooyadu wado oo ay ku rabto inay boobto xubnihii ay Guurtidu ku lahayd gudida doorashooyinka. Wasiirka Madaxtooyada, ayaa la soo galay golaha guurtida isagoo gacanta haya nin uu rabo inay guurtidu ka dhigto xubinta ay ku lahaan doonto Gudida doorashooyinka. Waxa la iigu sheegay, in uu ninkaasi la taliye ka yahay xafiiska waddooyinka ee baryahan dambe la hoos keenay Madaxtooyada. Ninkani sidoo kalana waxa weeyaan golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Madaxtooyadu waxay rabtaa inay liqdo Golayaashii Sharci dajinta. Waxaanay u xaydatay sidii ay usoo bixi lahaayeen Komishan ay dhammaanba xubnaheeda saamayn ku leedahay.Markay sidaa tahay, maxay noqon doontaa caddaalada iyo dhex-dhexaadnimada markaa uu shacabweynaha reer Somaliland uga fadhiyaan Gudidaasi hadhaw? Haddii wax walba la siyaasadeeyo, hadday tahay diiwaangalin, hadday tahay komishan doorashooyin, oo laga fakaro cidda madaxtooyada u dhaga nugul amaba ay abaal gaar ah ku leedahay, miyayna ahayn dantii qarannimo oo la quudhsaday?

Golihii Guurtida ee ahaa marjaca ummada, lana rabay dhex-dhexaad inuu ahaado, oo uu ilaashado maamuuskii uu ku dhex lahaa qarankan. Golahan odayaasha waa golihii ugu horreeyay ee loogu hor-sharciyeey, dhismaha dalkana seeska u ahaa, miyayna ayaan daarro ahayn in la yidhaahdo wuxuu noqoday shaambadii Xirsi, mar haddiiba xubintii ay awooda u lahaayeen inay soo magacaabaan dusha laga keenayo?Taas macnaheedu waxay noqon doontaa, inay Madaxtooyadu ku lahaato Komishanka, xubno ku sawiran golayaasha sharci-dajinta. Sad-bursiga ay rabto Madaxtooyadu inay ku yeelato xubnaha komishanka doorashooyinka ee soo socda, miyayna ku tusayn damacyo qarsoon oo ay Madaxtooyadu hoos ku wadato?

Siyaad C/laahi Digaale

 

Hargeysa, Somaliland

Phone: 0634355555

Email: duufaan@hotmail.co.uk

 

 

COMMENTS
LINKS