Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafka Ururka SOLJA Oo Go’aamo Soo Saartay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafka Ururka SOLJA Oo Go’aamo Soo Saartay
September 16, 2014 - Written by Editor:

“Gudida dhexdhexaadintu wuxu ku talinayaa go’aan ku Gaadhay in Shirweynaha 5aad ee SOLJA la qabto 24 illaa 25 ka Bishan aynu ku jirno”

Hargeysa (Wajaalenews) Guddida Dhexdhexaadinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ku baaqay in shirweynaha 5aad ee Ururka SOLJA la qabto wakhtigii ay hore u cayimeen guddida Qabanqaabada ee ururku oo u mudeyey in shirweynuhu qabsoomo 24 illaa 25 Bisha aynu ku jirno.

Waxa kale oo ay Guddoomiyaha ururka SOLJA iyo Guddida Fulinta ugu baaqeen in iyaga oo Danaynaya Tanta Guud ee ururka ay wakhtigiisa shirka ku qabtaan.

Sidaasi waxa Sheegay Guddida Dhexdhexaadinta oo maanta Shirjaraaid ku qabtay Hotel Xaraf ee Magaalada Hargeysa, waxa Madashaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gudida Xusseen Cali Nuur, iyo Agaasimaha HCTV Maxamed Cabdi Ilig oo xubin ka ah Guddida.

Guddoomiyaha Gudida dhexdhexaadinta Xusseen Cali Nuur oo ka hadlaya ujeedada shirka jaraa’id u qabteen waxa uu yidhi. “SOLJA waa ururka Suxufiyiinta Somaliland, manay ahayn in hawlaha ay hayaan ay isku khilaafan guddida Fulinta iyo guddoomiyahoogu, waxa ayaan darro ahayd in khilaafkoodu uu noqdo mid soo ifbaxa, xili uu dhammaaday xiligii loo xilsaaray in hawshaasi inoo hayaan, guddida fulintu waxa uu ku amaanan yahay, in guddi dhexdhexaadineed khilaafkii dhex yiilay ay ku dhameeyan sharciga ururka u yaalay, isla markaan kalsooni buuxda ay siiyeen, waa markii ugu horeysay ayaan fillayaa khilaafad dalkan ka dhaca oo dadka xilka hayaa iskaga horyimaadan oo ay yidhahdaan haloonogu dhameeyo sharciga nooyaala, waxa la odhan jiray qaabkii Somaliland aynu u dhameytirano, taasi may sameynin waana mid aad ku amaanan tihiin.”Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wax auu yidhi. “Guddida Dhexdhexaadintu iyaga oo danaynaya kana mid ah ururka SOLJA may noqon qaar faraha kala baxa markii dhinacyada is-hayey ay heshiiyen siddii cadada inoo ahayd umad ahaan, balse ay ogolaadeen in ay la socdaan hawlaha inta shirweynaha la qabanayo shirweynihii 5aad ee ururka SOLJA, Gudida Fulinta iyo Guddoomiyahoogu waxay wadda jir u magacaabeen Guddi qabanqaabo, kuwaasi oo si wadda jir ah u saxeexay Ergadii ka qaybgali lahayd shirweynaha 5aad ee SOLJA cida ay noqondoonan, hadaba maxaa ka dhashay arrinta? In yar ayey siyaasiyiin yara noqdeeno waxa ka dhashay markii ay saxeexen guddida Qabanqaabadu iyaga oo wadda jir ah Go’aanadii iyo qabkii ergada loo soo xulayey, waxa dhacday saddex arrimood in 3 saddex Xubnood oo ka tirsan Guddida qabanqaabadu is casilaan, bal hawshoodii way dhameystirteen cuntadii way ka fulene faraxalkii uunba u dhina, may faraxalan kariwaayin ayey ka dhigan tahay, in guddoomiyaha ururka SOLJA kala dirro guddidii qabanqaabada, wakhti gudida xilka haysaa oo wakhtigeedii dhammaaday in mudda xiliga guddida fulintu uu kororsadaan illaa bisha Feberweri 2015-ka may ahayn, waa guddi hawlihiisi fuliyey oo dhameystay wakhtoodii oo haddana yidhadaa wakhtigaanu kororsanayaa, taasi waynu aragnay haddii siyaasiyiinta aynu la shaqeynayo wax baddan, laakiin Golayaasha waxa wakhtigooda la kordhiyaa had iyo jeer ama madaxweynihii hore wakhtigiisi la kordhiyey iyada oo wakhtigiisu uu xilka hayey aanu ka dhammaan, arrintaasi waxay noqotay oo guddida dhexdhexaadintu u aragtay, in aanay dan u ahayn suxufiyiinta da’da yar u baddan, ee dalka u shaqeynaysa iyo ururka Laf ahaantiisiba.”

“ In Ergada hay’ad ahaan lagu soo magacaabo, oo aan lagu dooranin shakhsiyaad waa sax sababta oo ah ururku muu lahayn xubin fulisay arrimihii looga bahan urur bulsho, Qof kali ah oo Suxufi ah ama ha ku jiro ururka ama ha ka maqnaado, ama guddi fulin ha ahaado, aanu jirin qof kali ah oo bixiyey lacagtii qaadhanka ee 2 Dollar ee bil kasta looga bahnaa, isla mar ahaan waxa kale oo soo baxday in hay’adaha laga soo doortay Laf ahaantooduba, iyaguna in anay bixinin qaadhankii laga rabay Hadaba Guddoomiyaha iyo Gudida Fulinta Xil hawloodkoodu dhamaday ma kordhisan karaan wakhtigooda, in guddoomiyaha iyo Guddida fulintu ay dhaqan ahaan ay leeyihiin awood hogaaminta ururka illaa la dooranayo cidii badali lahayd.” Ayuu yidhi.

Waxa uu soo jeediyey Go’aanadan “sidaasi darteed gudida dhexdhexaadintu wuxu ku talinayaa go’aan ku gaadhay in Shirweynaha 5aad ee SOLJA la qabto 24 illaa 25 ka Bishan aynu ku jirno, in shirweynuhu xeerka ururka haatan daldaloola badan leh uu go’aamiyo in dib u habey buuxda lagu sameeyo sharciga oo sidda uu yahay maanta cidina aanay ku dhaqmi karayn, in xubinimada ururka lagu saleeyo Suxufiga ee aan lagu saleyn hay’ad uu ka tirsan yahay, in Gudoomiyaha iyo Gudida Fulintu, ay shirweynaha qabtaan xiligii aanu ku talinay iyaga oo danaynaya danta Guud ee ururka, Gudida dhexdhexaadintu waxa uu amaan Buuxda u jeedinayaa mudadii ay hayeen xilka ilaa dhamadkeedii sida ay uga soo baxeen wajibadkii sarnaa.”Ayuu yidhi.

Guddida dhexdhexadiintu iyaga oo sii waddanaya xilkii iyagu isku xil qaameen inta shirweynaha shanaad ee ururka la qabanayo, anaga oo halkan ku cadeynayna in haatan karashkii shirka lagu qabanayey uu diyaar yahay oo la hayo in guddida fulinta iyo guddoomiyaha ururka SOLJA iyaga oo wadda jir ah danaynaya danta suxufiyiinta, danta guud iyo aayaha danbe ee ururkaasi leeyahay in shirka wakhtigiisa ku qabtaan.” Ayuu yidhi Xuseen Cali Nuur Guddoomiyaha Guddida

Maxamed Cabdi Sheekh (Iligi) Agaasimaha HCTV kana mid ah Guddida Dhexdhexaadinta oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in loo bahan yahay in shirweynaha wakhtigiisa la Qabto, waxanu hoosta ka xariiqay in ciida ururkan leh faa’idadiisa ay tahay dhalinyarada Da’yarta ee Suxufiyiinta Somaliland oo ah Hay’adii aqoontooda, dhaqaalahooda, iyo dhinca walba ka dhisilahayd waxa uu sheegay in suxufiyiintu yihiin kuwa ugu darajo hooseya ururada ka jiira Somaliland isaga oo sheegay in ay jirran ururo badan oo heer gaadhay halka ururkii suxufiyiintu fadhiid ka noqday waxqabadkiisuna ku soo kobmay cambareyn la cambareyo xadhiga suxufiga, waxa uu sheegay in ururada caalamka ka jirra ee saxafiyiinta addunku leeyiihin in aanu shakhsina suxufiyiinta Somaliland kaga jirin isaga oo nasiib darro iyo dib u dhac ku tilmaamay, waxa uu soo jeediyey in loo bahan yahay in ururka lagga dhigo mid la jaanqaada ururada kale ee dalka ka jirra noqdan mid heer gaadha.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS