“GOORMUU XIRSI GAAB NOQDAY MAXKAMAD DIL WAX KU XUKUNTA….WIXII…” MUJ CALI GURAY . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“GOORMUU XIRSI GAAB NOQDAY MAXKAMAD DIL WAX KU XUKUNTA….WIXII…” MUJ CALI GURAY .
September 24, 2014 - Written by Editor:

cali-gurayHargeysa -(Wajaalenews)- Guddoomiyaha Saddex Ee Xisbiga Mucaaridka Ah ee UCID Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay in xukumadda looga fadhiyo in xukunka la hor keeno cid kasta oo lug ku lahayd dhacdadii foosha xumayd ee lagu laayay labadii sarkaal ee jiida hore deegaanka Qorilugud, isla markaan wuxuu sheegay qoorta uu wasiirka Madaxtooyadu noqday maxkamada dilka wax ku xukunta Guddoomuhu wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta Facebook.

Guddoomiyaha Oo Arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waxa la yidhi HABAR DHALI WAYDAY ALEELO KU WAALATAY. Goormuu Xirsi gaab noqday Maxkamad dil wax ku xukunta. Wixii Qurulugud iyo Gebilay ka dhacay baadhis run ah, ayaa looga fadhiyaa. Cidii gaysatay iyo intii ku lug lahayd-ba in cadaaladda la horkeeno ayaa looga fadhiyaa. In tan oo kale aanay mar kale dhicin iyo sidii looga hor tegi lahaa baa looga fadhiyaa. Cuqaashuna way mahadsan yihiin”Ayuu si kooban u yidhi Mujaahid Cali Guray.

COMMENTS
LINKS