“Gebilay Ceeb Waxa Ku Ah In Dhuxul iyo Muuse Siyaasi Looga Dhigo, Anigu Digasho Ayaan U Qaadanayaa”- Muj. Cali-Gurey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Gebilay Ceeb Waxa Ku Ah In Dhuxul iyo Muuse Siyaasi Looga Dhigo, Anigu Digasho Ayaan U Qaadanayaa”- Muj. Cali-Gurey
September 21, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews )- Guddoomiye ku xigeenka 3aad Ee xisbiga UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) Ayaa Ka Hadlay Xiisadda Ka Oogan Magaalada Gabiley iyo Qaabka Ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Sillaanyo ku doonayso inay ku maarayso shaqaaqooyinkii dhimashada iyo dhaawaca reebay ee dadka gobolka Gabiley xabbada nool ay ciidammadu ugu jawaabeen.

Cali Gurey oo qoraalo kooban oo hormo hormo u wada socda ku daabacay bogga uu ku leeyahay degelka FACE Book, Waxa uu wax laga xishoodo ku tilmaamay in deminta shaqaaqadaas ay xukuumaddu u wakiilatay xubmo dhego nugul oo uu ka mid yahay Ninka loo yaqaan Axmed Saleebaan Dhuxul Ee Madaxweyne Silaanyo Ugu magacaaban Afhayeennimada, kaasi oo ceeb iyo cirdi-xumo ku ah sharaftii haldoorka Gabiley oo caqligooda lagu Caayayo iyadoo laga dhigayo iyo shacbiga Metelayo.

masuuliyiinta gabiley

Cali-Gurey Oo Qoraalladiisa qayb ka mid ah ku bilaabay Tix uu Abwaan Hadraawi Leeyahay, waxaa uu ku bilaabay

“Afku way hud-hudayaa

Hadal buu I leeyahay

Anna waan hor joogaa.

Wax la hado shil bay roon

Wax la helo lib bay mudan

Wax la huro naf baw culus

Wax la hubo wed baa jira..”

Tixdaas dabadeed waxaa Mujaahidku ku xigsiiyey qoraalkiisa “ Xisoonmaayaan. Waa waxa iyagoo weliba sheeganaya inay yihiin intii ugu xigtay Gebilay is dhex taagay ee caruurtii ay rasaasta la dhaceen oo maydkoodii iyo dhaawacoodii yaalo yidhi WELIBA NUSASAACIHII AANU KA QAADNAYNA WAA KAA OO WAA 2500$ WADADA CEERIGAABO AYAANU KU CAAWINAY..GEBILAY ANIGA AYAA TACSI IYO XAALBA ISU RAACINAY. Gebilay ceeb waxa ku ah in Dhuxul,muuse qaasim in siyaasi looga dhigo. Iyada lafteeda anigu digasho ayaan u qaadanayaa.

COMMENTS
LINKS