Garabyadii Ku Muransanaa Awooda Maamul Ee Kililka Shanaad Oo Shirar Ay Yeesheen Qolaba Qolada Kale Xil-Ka-Qaadis Ku Sameysay + Wixii Ay Ka Tidhi Xukuumadda Federaalka Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garabyadii Ku Muransanaa Awooda Maamul Ee Kililka Shanaad Oo Shirar Ay Yeesheen Qolaba Qolada Kale Xil-Ka-Qaadis Ku Sameysay + Wixii Ay Ka Tidhi Xukuumadda Federaalka Itoobiya.
September 15, 2014 - Written by Editor:

Dirdhaba/Jigjiga(Wajaalenews)– Wararka ka imanaya Dirdhabe ayaa sheegaya in 7-dii xubnood ee ka soo horjeeday madaxweyne Cabdi Cumar ay shir ku qabsadeen Dirdhabe. Xubnahan oo soo gababgabeey kullnkoodi ayaa soo saarey qodobo dhawr ah.

Waxaa ay sheegeen in gudoomiyaha xisbiga loo doortay Cabdixakiin Cigaal oo ahaa madaxweyne-ku-xigeen, halka godoomiyey ku xigeen loo doortay Cabdifataax Macalin Maxamad oo isna ahaa madaxweyne-ku-xigeen.

Shirkan oo uu daadihinayey xoghayaha xisbiga, Cadullahi Yuusuf Weearar, ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in gudiga fulinta laga saaray gudoomiyaha xisbiga Maxamada-rashid iyo gudoomiyey ku-xigeenka oo ah madaxweyne Cabdi Cumar.

Kooxda Dirdhabe ku shirtay ayaa sheegtay in ay si degdeg ah u sheegi doonaan xiliga la qabanayo shirka gollaha dhaxe ee xisbiga ESPDP.

Dhanka kale, shabakada xogta oo taageerta garabka madaxweynaha ayaa baahisay in Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga ESPDP oo goor dhawayd ku soo gaba gaboobay guriga Martida ee Qaryaan Dhoodaan ayaa lagu magacaabay gudiigii Qaban qaabada Shirwaynaha Xisbiga sidoo kalena looga talaabo qaaday saddex xubnood oo guddiga fulinta ka tirsanaa.

Ilo lagu kalsoonyahay oo dhagta noogu hayay shirka ayaa noo soo sheegay in guddiga fulinta laga saaray M/weyne ku xigeenkii DDSI Cabdulaahi Yuusuf Weerar, Wasiirkii Arrimaha Bulshada C/Raxmaan Guray, iyo Wasiir Ku xigeenkii W/faafinta Faaraxow. Sidoo kale ayay golaha dhexe go’aamiyeen in xubnahaasi laga qaado dhamaan xilalkii ay hayeen, waxaana cod buuxa lagu ansixiyay inu Mawliid Haayir noqdo M/Weyne ku xigeenka DDSI ee badalay booskii laga saaray Cabdulaahi Itoobiya.

Dhanka kale, waxaa ay Golaha Dhexe u codeeyeen isla markaana ansixiyeen afar xubnood oo lagu daray guddiga fulinta xisbiga ESPDP kuwaasi oo kala ah; Jamaal Cismaan (Jamaal-Dheere), Wasiirka Kobcinta Awooda Kahadr Cabdi Ismaaciil (Khadar Dheere), Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Liibaan Maxamed Daahir, iyo Madaxa arrimaha xisbiga ee dagmada Jigjiga, Sheekh Xasan.

Sidoo kale ayaa shirka Golaha Dhexe ee xisbiga ESPDP lagu dhisay guddiga Qaban qaabada shirwaynaha xisbiga oo madasha lagu magacaabay sagaal xubnood oo kala ah:

 

C/Casiis Maxamed Cabdi – Gudoomiye

Mawliid Haayir – G/Ku xigeen

Axmad Maxamed Shukri – Xubin

Khadar Cabdi Ismaaciil -Xubin

Raxma Maxamud Haybe – Xubin

Saadiq – Xubin

Dr. C/Qaadir Iimaan – Xubin

 

Fartuun Cabdi Mahdi – Xubin

 

Jamaal Dheere – Xubin.

Waxaa hadda hubaal ah in xukuumada dhaxe uu sharciga dalku u fasaxyo in ay soo faragaliso DDSI madaama uu xisbiga ESPDP qabsaday laba shir oo iska soo horjeeda.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey in garabka ku shiray Dirdhabe ay xidhiidh la sameeyeen dawlada dhaxe intii ayna shirka qabsan iyaga u xaqiijiyey talaabooyinka ay qaadayaan iyo waxa ku kilifay.

Waxaa kale oo naloo xaqiijiyey in xubno tiro badan oo goolaha dhaxe ay hadda ku sugan yihiin Dirdhabe iyada oo suurtagal tahay in shirka goolaha dhaxe lagu qabto isla Dhardhabe ama Jigjiga.

Maxay Ka Tidhi Xukuumadda Federaalka Itoobiya + Xogo Kale:

Qaybsanaanta xisbiga iyo shirka maanta ayaa ku qasbay xukuumada dhaxe in ay soo faragaliso xaalada iyada xiliga aan qorayno warbixintan shir albaabadu u xidhan yihiin uu u socda xubnihii gudida fulinta iyo wafdi ka socda xukuumada dhaxe oo horey xaalada ula socday.

Khilaafka masuuliyiinta dawlada DDSI oo aad u jiitamay ayaa u muuqda in uu galay xaalad xasaasi ah oo dawlada Addis Ababa ayna indhaha ka qabsan karin.

Waxaa jira warar aanaan wali xaqiijin oo tibaaxaya in shirkii caawa ay yeesheen gudiga fulinto iyo dawlada dhaxe lagu go’aamiyey in dhamaan gollaha dhaxe ay Addis Ababa isugu tagaan.

Ilo ku dhaw EPRDF ayaa noo xaqiijiyey in labada shir iyo g’aamada ka soo baxay aad looga xumaaday iyada oo loo arko arrintan mid khalkhal hor leh abuuri karta. Xogtan ayaa intaa ku dartay in dadweynah aan lagu mashquulin warar abuuri kara cadaawad oo la soo dhigo shabkadaha wararka.

Macalin wax ka dhiga jaamacada Jigjjiga oo aan wax ka weydiinay waxa uu noqon karo natiijada khilaafku ayaa sheegay in laba midkood ay xaladu isugu biyo shuban karto.

In xeerka xisbiga ESPDP lagu kala adkaado oo labada garab kii aqlibayada hela uu u hadho talada gobolka; iyo in xaaladu noqoto barbar-dhac taaso sababi karta in xukuumada dhaxe si ku meel gaadh ah oo hakiso hawsha xisbiga islamarkaana guddi madaxbanaan oo gobolka si maamula doorashana u diyaariya la magaacabo.

Macalinka jaamacada oo ka gaabsaday in aan magaciisa baahino ayaa yidi, “Waxba eega kama odhan karo sida loola dhaqmi doono kooxda laga adkaato iyada oo arrintaas dood badani ka furan tahay”.

Hardanka ka dhaxeeya masuuliyiinta dawlada oo shaqooyinkii loo hayey bulshada hawlgab ka dhigay ayey xalkiisa shacabku aad u tiigsadeen iyaga oo aad u dhawraya kullanka caawa socda.

Xigasho: Somalistate + Xogtashacabka.

COMMENTS
LINKS